Home Wararka Maanta WAR DEG DEG AH: Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay wax ka beddelka dastuurka...

WAR DEG DEG AH: Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay wax ka beddelka dastuurka iyo Dagaal laga cabsi qabo inuu qarxo

0

Fadhiga Golaha Wakiillada Puntland ayaa goordhoweyd furmay, iyada oo la guda galay ka doodista wax-ka-beddelka dhowr qodob oo kamid ah dastuurka.

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Maamulka Puntland ayaa cod aqlabiyad leh ku meel-mariyeen ansixinta wax-ka-bedelka Dastuurka dowlad-goboleedka Puntland.

Waxaa oggol ugu codeeyay 54 mudane, halka ay diideen 6 mudane oo kale, cid ka aamustayna ma jirin, sida uu sheegay guddoonka Baarlamaanka Puntland.

Fadhigii maanta ee Golaha ayaa waxaa goobjoog ka ahaa 60 Xildhibaan.

Sidoo kale, waxay mudaneyaasha isku raaceen in Madaxweynaha, ku-xigeenkiisa iyo Xildhibaannada Golaha Wakiillada ay ku yimaaddaan oo lagu soo doorto doorasho qof iyo cod ah.

Dhinac kale, waxaa iyadna la kordhiyey codadka lagu waayi karo xildhibaanno oo laga dhigey 44 cod, halka uu markii hore u ahaa hal dheeri.

Kulanka Baarlamaanka ayaa imanaya xilli habeen hore lagu kala kacay kulan xasaasi ah oo Saciid Deni uu la yeeshay madaxweyne ku-xigeenka Axmed Karaash, si uu ugu qanciyo qorshaha furista dastuurka Puntland.

Kulankaas ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa guddoonka Baarlamaanka Puntland, wuxuuna ujeedkiisu ahaa in Karaash lagu qanciyo qorshaha Saciid Deni ee furista dastuurka, kaasi oo dagaal ka riday magaalada Garoowe.

Madaxweyne Deni iyo Cabdirashiid Yuusuf ayaa isku dayay in ay Karaash ku qanciyaan furista dastuurka balse isku-daygaas ayaa fashil ku soo dhamaaday, iyada oo uu ka gows adeygay qorshahaasi madaxweyne ku-xigeenka, sida ay inoo xaqiijiyeen illo wareedyo ku dhow.

Axmed Karaash ayaa la sheegay inuu iska diiday in uu taageero qorshaha furista dastuurka oo uu ku tilmaamay mid qalalaase amni sababi kara, kaasi oo uu gadaal ka riixayo madaxweyne Saciid Deni.

Baarlamaanka Puntland ayaa sidoo kale dhawaan dib u dhigay wax ka beddelka qodobo kamid ah dastuurka, si xal loogu helo khilaafka siyaasadeed ee ka jira doorashada, ee ka taagan maamulkaasi, inkasta oo taasi waxba aysan ka beddelin qorshaha Deni uu gadaal ka riixayo, kaasi oo uu maanta guddoonka ku dhaqaaqay.

Si kastaba, Golaha baarlamaanka dhexdiisa ayaa si weyn isugu khilaafsana in dastuurka wax laga beddelo, halka qaar kamid ah isimada Puntland ee Garoowe ku sugan ay madaxweyne Deni iyo guddoomiyaha baarlamaanka kala hadleen in aanay wax tallaabo ah qaadin, inta ay xal u raadinayaan khilaafka ka taagan doorashada, hase yeeshe taasi ma dhicin.

Ad
Previous articleMadaxweyne Qoor Qoor oo Xariga Ka Jaray Laba Mashruuc oo Dhuusamareeb laga Hirgaliyay(Sawiro)
Next articleAlshabaab oo Markale Saakay Weerar ku Qaaday Xero Ciidan oo ku Taala Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here