Home Wararka Somaliya Saraakiil Ciidan oo Gaaray Deegaanka Bohol ee Galmudug si loo dhameeyo Xiisaha...

Saraakiil Ciidan oo Gaaray Deegaanka Bohol ee Galmudug si loo dhameeyo Xiisaha Ahlu-suna

0

Waxaa Maanta gaaray Deegaanka Bohol ee Gobolka Galgaduud wafdi Saraakiil ah oo uu horkacayo Taliyaha Ururka 6aad ee Guutada 60-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka General Aadan Abshir Nuure, halkaas oo ay ku sugan yihii  Xubno Sar sare oo ka tirsan Ahlusunna Waljamaaca.

Wafdiga ayaa waxaa sidoo kale kamid ah Xildhibaan Cali Dhoof oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug iyo Ganacsade Xaashi Carabeey oo sabab u ahaa in xoogaga ahlusunna, isaga baxaan degmada Guriceel.

Ujeedada saraakiishaan ay u tageen degaanka Bohol ayaa waxaa lagu sheegay xal ka gaarista arrinta Ahlusunna ee ku aadan dhameynta tabashada ay qabaan iyo ka gudbida waxyaabihii ka dhashay dagaalkii degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Maalmihii la soo dhaafay kulamo uu janeraal Aadan Abshir uu la yeelanayey Siyaasiyiinta, Madaxda Galmudug iyo Waxgaradka Deegaanka ayaa la Go’aamiyey in halkaasi Maanta uu tago isaga iyo Masuuliyiinta la socota kadibna wada-hadallo ay bilaabaan.

Saraakiisha ka socota Ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa ay kulamo la qaadan doonaan Xubnaha hoggaanka Ahlusunna si loo dhameeyo khilaafka siyaasadeed ee ka dhaxeeya Ahlusunna iyo Maamulka Galmudug.

Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, waxaa dhawaan  ka dhacay dagaal geystay qasaaro dhimasho iyo dhaawac ah, kaas oo u dhaxeeyay Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhimac ah iyo xoogaga Ahlusunna.

Ad
Previous articleKenya oo Codsatay in xal loo helo muran xaduudeedka kala dhaxeeya Somalia
Next articleSawiro: Madaxweyne Qoorqoor oo Gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Galmudug iyo Warbixin la siiyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here