Home Wararka Maanta Ciidamada Amniga oo Muqdisho ka bilaabay Howlgallo Xoogan

Ciidamada Amniga oo Muqdisho ka bilaabay Howlgallo Xoogan

0

Hawlgalkaan oo ahaa mid lagula dagaalamayay Burcada hubeysan iyo kooxaha falalka ka dhanka ah amaanka ka geysta Muqdisho ayaa waxaa Ciidamada Booliska Soomaaliya & kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ka sameeyeen xaafado katirsan degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir.

Howlgalka oo uu horkacayay taliyaha Saldhiga Booliska degmada Hodan Cabdullaahi Xasan, waxaana howlgalka ay Ciidamada kusoo qab qabteen dhalinyaro farabadan, kuwaas oo leysugu geeyay hal goob walow badankood la siidaayay.

Taliyaha Booliska degmada Hodan Cabdullaahi Xasan oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka dalbaday dhalinyarada howlgalka lagu qabtay inay Ciidamada kala Shaqeeyaan sugida amniga iyo ka hortegida kuwa falalka amni darro geysta.

Sidoo kale taliyaha wuxuu sheegay inay muhiim tahay in la xaqiijiyo amniga degmada si aan loogu arkin kuwa dadka dila ama taleefoonada xilliyada habeenkii Shacabka ka dhaca.

Ad
Previous articleRa’isul Wasaare Rooble oo Kulan Deg Deg ah la qaatay Madaxda Maamul Gobaleedyada Dalka
Next articleMadaxweyne Laftagareen oo Maanta ku Wajahan Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here