Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay ee labada badmaax ee Maraykanka u dhashay ee lagu...

Wararkii ugu dambeeyay ee labada badmaax ee Maraykanka u dhashay ee lagu waayay xeebaha Soomaaliya

0

Laba badxaamiin ka tirsan ciidamada badda ee Maraykanka ayaa lagu la’ yahay xeebaha Soomaaliya sida laga soo xigtay ciidamada milatariga ee Maraykanka jimcihii, iyaga oo sheegay inay wadaan hawlgal lagu badbaadinayo labadaas ruux.

Saraakiisha Maraykanka ayaa sheegay in labada badmaax ay ka dhaceen iyaga oo doonayay inuu fuulaan Markab ciidan iyaga oo ka soo dagayay doon yar.

Labada badmaax ayaa la sheegay in ay hawlgal ka sameynayaan xeebaha Soomaaliya fiidkii khamiistii la soo dhaafay.

Badmaaxiintu waxay la socdeen hawl ciidan oo ay sameynayaan kooxda shanaad ee ciidamada badda Maraykanka ee C5F. Ma cadda sababta keentay inay doonayaan in ay markabka wayn dib ugu noqdaan.

Dawladda Soomaaliya oo aan xiriiro la sameynay ayaa sheegtay in ciidamada maraykanku ay la wadaageen xogta sheegaysa in la la’yahay labadaas badmaax, balse ma aysan sheegin hadii ay wax gacan ah ka geysanayaan hawlgalka baadi goobka ah.

Waxay sheegeen in ay a xun yihiin oo rajeynayaan in dib loo helo dadkaas.

Dhanka kale dawlad goboleedka Puntland ayaa sheegay inay diyaar u yihiin hadii loo baahdo in ay xeebaha baadi goob ka sameyn karaan, balse aysan awoodin in ay gudaha badda ka sameeyaan baadi goobka maadmaama aysan ciidamadeeda baddu haysan qalabkii loogu talo galay.

“Baadi goob loogu jiro sidii loo ogaan lahaa halka ay sida dhabta ah ugu sugan yihiin labada badmaax ayaa wali soda,” ayaa lagu sheegay warka ay soo saartay dawladda Maraykanku. “Sabab amni darted, ma baahin doono wax xog intaas dhaafsiisan ilaa uu hawlgalkaan soo soo idlaado,” ayaa sidoo kale la sii raaciyay.

Gacanka Cadan ayaa noqday goob ay si joogta ugu hawlgalaan ciidamada badda ee Maraykanka maalmahaan, kadib weeraradii aan kala go’a lahayn ee kooxda Xuutiyiinta ee Yemen ay ku qaadayaan maraakiibta isticmaasha gacan gacadan ee iyo badda cas tan iyo bartamihii bishii November.

Ciidamo tiro ah oo ka tirsan kuwa badda ee dalka Maraykanka ayaa loo daabulay biyaha gacanka cas iyo badda cas, kadib cabasho joogta ah oo ka soo yeertay shirkadaha maamula maraakiibta shixnadaha wada ee isticmaala biyahaas oo ay weerareen Xuutiyintu.

Khamiistii ayaa waxaa bilowday weeraro dhanka circa ah oo wadamada reer galbeedka qaar ay ku qaadeen saldhigyo ay leeyihiin kooxda xuutiyiinta oo ku yaalla gudaha Yemen.

Maraykanka iyo Ingiriiksa ayaa si wada jir ah u fuliyay duqaymo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday xarumo ciidan oo ay kooxdu leedahay.

Dhanka kale, Maraykanka ayaa mar labaad shalay duqaymo ku garaacay kooxda Xuutiyiinta ee ka dhisan dalka Yeman, sida ay baahiyaan qaar kamid ah warbaahinta Maraykana.

Xarumo ay yaaleen raadaaro ay isticmaalaan Xuutiyiinta ayaa ahaa bartilmaameedka weeradaas.

Taliska dhexe ee Maraykanka ayaa sheegay in duqaymaha lagu fuliyay xarumaha raadaarada ee Xuutiyiinta uusan ahayn bartilmaameed cusub, waxay ku tilmaameen duqaymahaan kuwa daba socday weeraradii hore.

Kol sii horeysay ayaa madaxweynaha Maraykanka, wuxuu ka digay hadii Xuutiyiintu ay sii wadaan wuxuu ugu yeeray “Dhaqan caro abuuraya”, in ay ku qasbanaan doonaan in ay jawaab bixin doonaan.

Madaxweyne Biden ayaa ku tilmaamay weeraradaan kuwa guul ku soo idlaaday.

Xuuthiyiinta ayaa wacad ku maray inay jawaab adag ka bixin doonaan.

Arrintaan ayaa kusoo aadeysa xilli muuqaal baahiye ay leeyihiin Xuutiyiintu oo lagu magacaabo Al-Masirah uu sabtidii baahiyay in weerar lagu bartilmaamedsaday caasimadda Sanca.

Ad
Previous articleXukun nuuce ah ayuu muteysan doonaa wiilka madaxweyne Xasan Sheekh oo ku noqday Tukiga?
Next articleMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maantay warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka….

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here