Home Wararka Maanta Faahfaahino dheeraad ah oo kasoo baxaya dab xoogan oo xalay ka kacay...

Faahfaahino dheeraad ah oo kasoo baxaya dab xoogan oo xalay ka kacay qeybo kamid ah suuqa Xamarweyne

0

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dab xoogan oo xalay ka kacay qeybo kamid ah suuqa Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Dabka ayaa markii hore ka kacay suuqa qeybta Masjidka Marwaaz, waxaa uuna ku fiday meelo ka mid ah suuqa Dahablaha iyo kawaanka Hilibka.

Wararka ayaa sheegaya in dabka uu ka dhashay koronto, waxaana uu gaystay khasaare hantiyeed oo baaxad leh, kadib markii uu baahay dhul aad u ballaaran.

Ganacsade Bukhaari oo ah milkiilaha Carwa Xul Style ayaa sheegay in dabkan uu ku waayay dukaankiisa, wuxuuna sheegay inay ku jirtay qiyaasitee lacag dhan $40 kun.

“Xul Style dadku inta badan way wada garanayaan waxaan iibin jirnay dharka dumarka  noocyadiisa kala duwan hal shey lagama bixin dukaanka, lacagta ku jirtay xaqiiqatan waa ku dhowdahay 40 kun oo dollar” ayuu yiri ganacsade Bukhaari oo ah Carwa Xul Style.

Gurmad xoogan oo ay iska kaashadeen maamulka gobolka Banaadir iyo Shirkadda Hormuud ayaa mar dambe lagu guulaysay in lagu damiyo dabkaasi.

Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo goobta tegay ayaa qiray in khasaare xoogleh uu jiro, wuxuuna sidoo kale u mahadceliyay inta ka qayb qaadatay daminta.

“Dadaal dheer oo la sameeyay kadib waa lagu guulaystay in la damiyo dabka waxaan aad iyo aad ugu mahadcelineynaa hay’adihii amniga oo si hagar la’aan ah uga qayb qaatay, sidaas oo kale waxaan u mahadcelineynaa Hormuud oo qaybteeda ka qaadatay oo isla markii soo dirtay dab damisyo” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir.

Sidoo kale wuxuu yiri “Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa maamulka gobolka Banaadir guddoomiyeyaasha dgemooyinka oo meel kasta isaga yimid oo usoo gurmaday halkan”.

Madaale oo sii hadlaya ayaa shaaca ka qaaday in maamulka gobolka uu guddi gaar ah u xil saari doono baaxadda uu la’egyahay khasaaraha soo gaaray ganacsatada Xamarweyne.

“Waxaan aad uga xunahay khasaaraha gaaray dadka masaakiinta ah laakiin haddii uu ilaah yiraahdo guddi ayaan u bixin doonaa, waxaana arki doonaa wixii ay xaaladdu la’eg tahay” ayuu mar kale yiri Duqa magaalada Muqdisho.

Muddooyinkiii u dambeeyay magaalada Muqdisho waxaa ku soo badanayay dhacdooyinka la xiriira gubashada oo horay uga dhacday Bakaaraha iyo xaafado kale oo ku yaal caasimada.
Ad
Previous articleMacawisleey ka Qaybqaadanysa in Alshabaab Shabeeloow laga Saaro oo lasoo Bandhigay(Sawiro)
Next articleTaliska Danab Puntland oo Jawaab adag Siiyay Deni oo Shalay Sheegay inuu Cafus Ufidiyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here