Home Wararka caalamka Dhageyso Ciidanka Galmudug oo Gacanta ku Dhigay Rag Kufsaday Haweyn,,

Dhageyso Ciidanka Galmudug oo Gacanta ku Dhigay Rag Kufsaday Haweyn,,

1

Ciidamada Maamulka Galmudug ayaa Howlgal ay ka sameeyeen Degaano hoosyimaada Magaalada Cadaado waxaa ay ku soo qabteen Rag Kufsi u geeystay Saddex Haween ah oo ku safrayay Degaanada Maamulka Galmudug.

Taliyaha Guud ee Ciidamada Booliska Maamulka Galmudug Maxamed Jimcaale Cosoble ayaa sheegay in Gacanta lagu hayo Lix Ruux oo Kufsi u geystay Haween Safar ahaa,waxaana uu sheegay in Saddexda Haweenka ah ay ku jirto Hooyo wadata Labo Caruur ah lehna  Uur Sideed Bilood ah.

Sidoo kale Haweenka  Kufsiga loogeysatay ayaa la dhigay Isbitaal ku yaala Magaalada cadaado ee Xarunta KMG u ah Maamulka Galmudug.

Ciidamada  Maamulka Galmudug ayaa sidoo kale waxaa ay qabteen Qamri iyo Ragii watay,kuwaas oo Magaalada cadaado lagu soo bandhigay.

Hoos ka Dhageyso

10 ku laabo mudug24 xiriir

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here