Home Wararka Maanta Deg Deg: Ganacsade Caan ka Aha Degaanada Galmudug oo Caawa Lagu Dilay...

Deg Deg: Ganacsade Caan ka Aha Degaanada Galmudug oo Caawa Lagu Dilay Muqdisho iyo QoorQoor oo Ka tacsiyeey

0

Dabley hubeysan ayaa la sheegay iney caawa ku dileen magaalada Muqdisho ganacsade caan ah.

Shiikh Salaad Ciise ayaa lagu dilay Xaafada Jungal oo ka tirsan degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Faahfaahin intaas ka badan lagama hayo dilka ganacsadahan, lamana oga weli cida ka dambeysay dilka geystay.

Qoor Qoor ayaana Sidaan yiri:

Waxaan ka tacsiyeenayaa geerida naxdinta leh ee Sheekh Salaad Ciise oo caawa koox dhagarqabayaal ah ku dileen magaalada Muqdisho.

Sh. Salaad wuxuu ahaa ganacsade,nabadoon iyo sheekh in badan ka shaqeeyay samafalka, nabadeynta iyo dib u heshiisinta bulshada reer Galmudug.

Waxaan si gaar ah murugada iyo xanuunka la qeybsanayaa ehelkii iyo qaraabadii uu baxay Sheekhu.

Waxaan Eebbe uga baryayaa inuu ka waraabiyo Janadii Firdowza, samir iyo iimaanna ka siiyo ehelkii iyo qoyskii uu ka baxday marxuumku.

Ad
Previous articleAxmed Karaash oo Markale Deni Kusoo Dhaweeyey Puntland Xili khilaaf Xoogan Ka dhaxeeyo(Sawiro)
Next articleSacuudi Carabiya ayaa maanta qaaday dhammaan xayiraadihii saarnaa isticmaalka hawadeeda si au Wanaajiso Israil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here