Home Wararka Maanta Sawiro: Ciidamo Ka Mid Noqon Doona Darwaaishata Galmudug oo Tababar Loosoo Xiray

Sawiro: Ciidamo Ka Mid Noqon Doona Darwaaishata Galmudug oo Tababar Loosoo Xiray

0

Ciidamo katirsan daraawiishta dowlad goboleedka Galmudug ayaa galabta degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud, waxaa loogu soo xiray tababar bilooyin halkaasi uga socday.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid oo safar howleed ku jooga Degmada Caabudwaaq ayaa tababarka usoo xiray cutubkan cusub ee kamid noqonaya ciidamada daraawiishta Galmudug.

Ciidamada galabta tababarka loo soo xiray ayaana xarunta madaxtooyada Galmudug ee kutaala Caabudwaaq kusoo bandhigay dhoolotus ay la dhaceen masuuliyiintii iyo dadkii kale ee goobtaasi ku sugnaa.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa kula dardaarmay ciidamada daraawiishta ee tababarka loo soo xiray in ay noqdaan kuwa daacad ah oo u adeega dadka iyo dalka , isagoona uga digay in qabiil noqdaan ama dadkooda dhibaateeyaan.

Ad
Previous articleMaamulka Caasimada Galmudug Dhuusamareeb oo Soo saray amaro Culus
Next articleIsimada Puntland ayaa Iska Diiday Dalab uga Yimid Madaxweyne Deni

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here