Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Al-Shabaab oo war kasoo Saartay weerarkii ay ku Qaadeen xerada Ciidamada ...

Al-Shabaab oo war kasoo Saartay weerarkii ay ku Qaadeen xerada Ciidamada GORGOR

0

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar loo adeegsaday gaari xamuul ah oo laga buuxiyey qaraxyo oo shalay lagu qaaday xero ciidamada Gorgor ay leeyihiin oo ku taalla deegaanka Kalabeyr ee gobolka Hiiraan.

Al-Shabaab ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in weerarka uu ahaa howlgal is-miidaamin ah oo qorsheysan oo lagu beegsaday ciidamo duullaan ku ahaa kooxda, sida ay hadalka u dhigtay.

Waxay intaas ku dartay inay weerarka ku dishay 19 askari, kuna dhaawacday 23 kale. Si madax banana looma xaqiijin karo sheegashada Al-Shabaab.

“Mujaahid Istish-haadi ah ayaa beegsaday ciidamo kamid ah kuwa ay cadawgu usoo carbiyeen la dagaalanka ku dhaqanka shareecada Islaamka ee dalkan Soomaaliya. Dhimashadu waa 19 askari, dhaawucuna waa 23 kale,” Sidaas waxaa yiri Sheekh Cabdicasiis Abu Musca boo ah afhayeenka ciidamada Al-Shabaab.

Abu Muscab ayaa intaas ku daray in dhimashada iyo dhaawaca ay ku jiraan saraakiishii hogaaminaysay ciidamada.

“Taliyihii hogaaminayay ciidamadaas goobta ayuu ku dhintay, 3 sarkaal oo kale iyaguna dhimashada ayay ku jiraan,” ayuu yiri.

Dhinaca kale, warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidanka xoogga dalka ay fashilyeen gaariga xamuulka kahor inta aanu gudaha u galin xerada.

“Labo askari ayaa ku dhintay sidoo kale waxaa ku dhaawacmay saddex kale, Sidoo kale ciidamada ayaa ku raad joogo laba dhagar-qabe oo la sheegay in guduha magaalada ay uga degeen gaariga,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda.

 

Ad
Previous articleFaahfaahin Qaraxyadii ka Dhacay Muqdisho iyo ragii waday oo mid la qabtay
Next articleAbiya Axmed oo Si wayn uga Carooday hadal Kasoo Yeeray Mareykanka iyo Midowga Yurub

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here