Home Wararka Maanta Galmudug iyo Ahlu-suna oo ka hadlay Dagaalka ka socda Caasimada Dhuusomareeb

Galmudug iyo Ahlu-suna oo ka hadlay Dagaalka ka socda Caasimada Dhuusomareeb

0

Waxaa weli rasaas goos goos ah laga maqlayaa qeybo kamid ah Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, halkaas oo ay ku dagaalamayaan Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah & xoogaga Ahlusunna Waljamaaca.

Waaberigii hore ee saaka ayaa qeybo kamid ah Magaalada Dhuusamareeb waxaa lagu arkay Ciidamo katirsan xoogaga Ahlusunna gaar ahaan Xaafadaha Waaberi iyo Waxaracadde, iyada oo dagaalka siweyn looga dareemay Magaalada.

Sarkaal u hadlay xoogaga Ahlusunna ayaa sheegay in inta badan la wareegeen Magaalada Dhuusamarewb, isla markaana inta dhiman ay dhameystiri doonaan si ay guud ahaan Magaalada ula wareegaan.

Dhinaca kale Guddoomiye kuxigeenka Magaalada Dhuusamareeb Cabfi Xaashi ayaa sheegay inay ku daba huraan koox kusoo duushay Magaalada Dhuusamareeb ayna ka saareen qeyb kamid ah Magaalada, waxaana xilliga uu hadlayay korkiisa laga maqlayay rasaas xoogan.

Dhinaca kale wararka naga soo gaaraya Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka dadkii ugu badnaa ay Magaalada isaga barakacayaan, xilli la sheegay inay kusoo wajahan yihiin ciidamada xoogaga Ahlusunna.

Dhammaan Madaxda sare ee Maamulka Galmudug ayaa kusugan Magaalada Muqdisho, kuwaas oo u jooga arrimo ku saabsan doorashada Soomaaliya.

Ad
Previous articleAhlusuna oo inta Badan Dhuusamareeb la Wareegtay iyo Dagaal Wali Socda
Next articleDagaalka Dhuusomareeb oo Xoogeestay, Hub Culus oo laga Maqlayo Magaalada, Ciidanka GorGor oo ku biiray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here