Home Wararka caalamka Lahestayal iiraan ah oo ka Baxsaday Burcad Badeedkii Heestay Gobolka Mudug,,,

Lahestayal iiraan ah oo ka Baxsaday Burcad Badeedkii Heestay Gobolka Mudug,,,

0

Raggan iyo dooni oo saddex bilood ka hor ay burcad badeedu ka soo qafaalatay Xeebaha Gobolka Mudug, ayaa afduub ahaan waxay ugu haysteen Xeebaha Deegaanka Ceelhuur Ee Gobolkaasi.

Afar nin oo raggaasi iyo doonidaba ku haystay Ceelhuur, ayaa la sheegay in isku dhac uu dhex maray labada dhinac, deetana laga xoog badiyay kooxihii burcad badeeda.

C/laahi Maxamuud oo degan Degmada Hobyo, ayaa sheegay dhacdadan inay dhacday Khamiistii, isla-markaana aan dib loo soo qaban lix iyo tobankii nin ee reer Iran iyo doonidiiba.

C/laahi Maxamuud oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa meesha ka saaray in ay jiraan ciidan dibadda ka yimid, oo xoog ku soo furtay ragga ay dhalashadoodu tahay Iran.

Gobolka Mudug, ayaa waxaa hadda lagu hayaa dooni kale iyo 20 nin oo reer Iran ah, ka dib markii la soo qabtay iyagoo ka kalluumeysanaaya Xeebaha Somaliya. Doonidan ayaan afduub loo haysan, iyadoo ganaax ahaan loogu haayo Gobolkaasi, markii Maxkamadi ay xukuntay.

Xeebaha Gobolada Dhexe illaa Puntland, ayaa waxaa si xoogan kaga kalluumeysta doomaha kalluumeysiga ee dalka Iran laga lee yahay, kuwaa oo aynaan jirin cid ay ruqsado ka haystan.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here