Home Wararka Maanta Xildhibaanada Beesha Murusade oo Diiday kulan uu Xasan Shiikh ugu Yeeray iyo...

Xildhibaanada Beesha Murusade oo Diiday kulan uu Xasan Shiikh ugu Yeeray iyo Sababta oo la ogaaday

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bilaabay kulamo gaar-gaar ah oo uu la yeelanayo xildhibaanada Golaha Shacabka ee laga soo doorto dowlad goboleedyada, wuxuuna u qaabilayaa qeyb-qeyb.

Ujeedka kulamadaan ayaa ah sidii xildhibaanada loogu qanci lahaa Golaha Wasiirada lasoo magacaabayo oo codkooda kalsoonida ay u sii lahaayeen.

Wararka ayaa sheegaya in kulankii xalay ee Madaxweynaha iyo Xildhibaanada laga soo doorto Galmudug aysan ka soo qeyb gelin Xildhibaanada Golaha Shacabka ku metela Beesha Murusade.

Sida ay sheegeyso xogtaan xildhibaanada beesha Murusade ayaa saluugsan xulashada Madaxweynaha ee xubinta golaha wasiirrada ku meteli doona beeshaas, oo sida ay sheegeen aan lagala tashan.

Wasiirka beesha Murusade ayaa la filayaa in la siiyo xildhibaan hore Xasan Macallin oo ka mid ah shaqsiyaadka sida aadka ah ugu dhow madaxweynaha, qeybna ka ahaa ololihii lagu doortay madaxweynaha.

Kulamadaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo lagu wado in maalmaha soo socda la soo saaro liiska golaha wasiirrada Soomaaliya.

Afar maalmood ayaa ka hartay mudadii uu Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre baarlamaanka ka codsaday inay u ogolaadaan, si la tashiyadiisa xulashada wasiirrada uu waqti dheeraad ah ugu helo.

 

 

 

Ad
Previous articleALShabaab oo Goob Fagaare ah ku Toogatay 7 ruux iyo Magacyadooda oo La Shaaciyay
Next articleItoobiya oo duqeymo culus ka bilowday Gobalka Bakool

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here