Home Wararka Somaliya Galmudug Midowga Africa oo war Kasoo saaray in Alshabaab lagasaaray Degmooyin Waawayn ee...

Midowga Africa oo war Kasoo saaray in Alshabaab lagasaaray Degmooyin Waawayn ee Ka Tirsan Galmudug

0

Ergayga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Howlgalka KMG Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) Danjire Maxamed Al-Amiin Souef ayaa ugu hambalyeeyay ciidanka xoogga dalka Soomaliyeed xoreynta magaalooyinka Ceeldheer, Xaradheere, Galcad iyo Xiindeere ee Gobollada Galgaduud iyo Mudug.

Danjire Maxamed Al-Amiin Souef ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in ciidanka xoogga dalka Al Shabaab ka saaraan degmooyin sannado badan heesteen, waxa uuna ballanqaaday in ay sii wadi doonaan siinta taageerada looga baahan yahay.

“Howlgalka ATMIS waxa uu sii wadi doonaa in uu bixiyo taageerda loo baahan yahay si loo gaaro Soomaaliya ka caaggan argagixisanimada iyo falalka la xiriira”, ayuu yiri Danjire Souef.

Waxa uu sheegay Danjire Maxamed Al-Amiin Souef in Al Shabaab ay jabeen xilligan, waxa uuna xusay iyaga oo garabsanaya ciidanka Soomaaliyeed ay sii wadi doonaan in ay ka saaraan guud ahaan dhulka Soomaaliya si shacabku u helaan amni.

“Al-Shabaab waa ay jabeen waxaana anaga oo garabsaneyna walaalaheena Soomaaliyeed sii wadi doonaa in aan argagixisada khawaarijta ah ka saarno Soomaaliya si ay shacabku u helaan amni, xasillooni iyo nabad, kuwaas oo muhiim u ah horumarka bulsho iyo kan dhaqaaleba ”, ayuu Danjire Souef carabka ku adkeeyey.

Ciidamada ATMIS ee nabbad ilaalinta u jooga Soomaaliya ayaan door muuqda xilligan ku laheyd howlgalada ka dhanka ah kooxad Al Shabaab ee ka socda qaar kamid ah gobolada dalka, waxaana dagaalka hadda iska kaashanaya ciidanka dowladda iyo dadka deegaanka.

Ad
Previous articleGabar Soomaaliyeed iyo Jilaa qaba oo oo taagero u raadinaya dalka Soomaaliya
Next articleLafta-gareen oo aqbalay inuu wadahadal la furo mucaatlradka diidan mudo kororsiga halka sano ah ee loo sameeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here