Home Wararka Caalamka Gobolka Kyiv ayaa laga helay Meydadka in ka badan 900 oo ruux...

Gobolka Kyiv ayaa laga helay Meydadka in ka badan 900 oo ruux oo ah rayid ay dileen Ciidamada Ruushka.

0

Gobolka Kyiv waxaa laga helay meydadka dad ka badan 900 oo ruux oo intooda badan rayid ah sida ay xaqiijiyeen saraakiil katirsan Booliiska Ukraine oo Warbaahinta u soo bandhigay meydadkaas.

Saraakiisha ayaa sheegay in dagaalkii ugu dambeeyay ee Gobolkaas uu ku qaaday Ruushka in ay dadkaan sababsadeen kaddib markii Ciidanka Moscow ay ku garaaceen Gantaallo xooggan sida ay hadalka u dhigeen.

Qoysaska qaar waxaa lagu duqeeyay Guryahooda iyaga oo ka gabbaadsanaya dagaalka xooggan ee u dhaxeeya Ciidamada Ruushka ee duullaanka ah iyo kuwa Ukraine ee difaaca kala soo horjeeda sida lagu yiri war kasoo baxay Booliiska.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in Ruushka uu xasuuq ka geystay dalkiisa, waxa uu dalbaday in lagula xisaabtamo si loo helo xuquuqda dhibbanayaasha iyo ehelkoodaba.

Joe Biden, Madaxweynaha 46aad ee Mareykanka ayaa dhammaadkii todobaadkii hore dagaalka Ruushka ku tilmaamay erey uu muddo ka gaabsanayay oo ah “Xasuuq” waxa uu dalbaday in aan indhaha iyo gacmaha laga laaban duqeynta ku socota Ukraine.

Ad
Previous articleWaxay u muuqataa in dagaalka Ukraine uu weji cusub yeelan karo, oo uu isu bedali karo mid caalami ah
Next articleKalfadhiga Baarlamaanka oo Goordhow Furmay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here