Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey ninkii Soomaaliga ahaa ee xaaskiisa ku Dilay hoteelka ay...

Wararkii Ugu Danbeeyey ninkii Soomaaliga ahaa ee xaaskiisa ku Dilay hoteelka ay u dalxiis tageen ee ku yaala Turkiga kana Hadlay Sababta uu u Dilay

0

Dhacdo naxdin leh ayaa ka dhacday hoteel ku yaala magaalada Istanbul ee dalka Turkiga kadib markii nin Soomaali ah uu gudaha hoteelkaas ku dilay xaaskiisa.

Lamaanahan ayaa la sheegay in u dalxiis tageen halkaas iyagoo ka yimid dalka UK. Sababta uu ninkaas u dilay xaaskiisa ayuu ku sheegay inay siisay waxyaabo maanka dooriyada sidaasina uu ku bilowday muran dhexdooda ah.

Waxaa jira sawir ay baahisay warbaahinta Turkiga oo ay ku sheegeen inay tahay gabadha la dilay balse markii dambe la ogaaday inay khalad tahay.

Ninkan ayaa qirtay dambiga uu galay wuxuuna haatan ku jiraa gacanta booliska. Hadaba si aan wax badan ugu ogaanno dhacdadan, ayaa waxaan khadka telefoonka ee magaalada Istanbuul kula xirriirnay Bashiir Macalin oo mudo dheer degenaa Turkiga.

Ad
Previous articleWararkii ugu dambeeyay Marinka GAZA
Next articleWiilal Soomaali ah oo dhawaan galay Canada oo ku dhintay shil baabuur

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here