Home Wararka Somaliya Somaliland Muxuu ku salaysan yahay saami-qaybsiga Golaha Wakiillada Somaliland ee Baarlamaanka Soomaaliland ansixiyay?

Muxuu ku salaysan yahay saami-qaybsiga Golaha Wakiillada Somaliland ee Baarlamaanka Soomaaliland ansixiyay?

0

Muddooyinkii u dambeeyey waxaa muran ka taagnaa dhanka saami-qaybsiga beelaha iyo gobollada Somaliland. Si gaar ah labaatankii sano ee u danbeeyey, gobollada Sool, Sanaag iyo Awdal ayaa si gaar ah arrintaa wax uga tirsanayey.

Waxaana u danbeeyey in Golaha Wakiillada Somaliland ay maanta qaraar gole ku ansixiyeen qodobbadii soo jeedinta xildhibaanada reer Awdal oo wax ka bedel lagu sameeyay.

Go’aammadaas ayaa ay ka mid ahaayeen in Komishanka Doorashooyinku uu dib u eegis ku sameeyo goobaha cod bixinta ee Gobalka Awdal iyo sida oo kale in Madaxweyne Muusa Biixi dib u eego saamiga fulinta ee reer Awdal.

Sidoo kale golaha ayaa ansixiyay in xukuumadda Somaliland ay si caddaalad ah u qeybiso mashaariic-da, iyada oo tix galin gaar ah la siinayo gobolka Awdal gaar ahaan kaabayaasha dhaqaalaha.

Sidee loo qaybsadaa golaha wakiillada ee Somaliland?

Golaha wakiillada ee Somaliland ayaa lagu soo doortay doorashadii isasaarka ahayd ee dhacday ee sannadkii 2021.

Waxaana ay gobol ahaan u kala metelaan tirada sidan ah:

  • Gobolka Maroodijeex 20 kursi
  • Gobolka Togdheer 15 kursi
  • Gobolka Awdal 13 kursi
  • Gobolka Sanaag 12
  • Gobolka Sool 12 kursi
  • Gobolka Saaxil 10 kursi

Muxuu ku salaysan yahay saami qaybsigaasi?

Si guud tirada xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa ku fadhida sidii loo kala helay baarlamaankii ugu horreeyey 1960-kii, kuwaas oo ka soo kala yimi lixdii degmo ee Waqooyiga. Baarlamaankaas oo tiradiisu ahayd 33 ayaa laga soo dhiraandhiriyey sida oo kalena lagu saleeyey habka wax qaybsi ee golahaas hadda ku dhisan yahay.

Golaha wakiillada ee Somaliland ayaa se sharci ahaan ah gole metelaadeed ayna dastuur ahaan ahayd sida ay sharciyaqaannadu in xubnaha golahaas iyo saamigooduba ku yimaaddo tirokoob guud oo la sameeyey.

“Golaha wakiillada waxa ay ahayd dastuuriyan in uu ku salaysnaado tirkoob dadka lagu sameeyey, ka kale guurtida ayaa si kale loo qaybsan karaa ama loo sinnaan karaa” ayuu yidhi Guuleed Dafac oo ka mid ah sahrciyaqaannada Somaliland.

Dhanka kale Guuleed Dafac ayaa qaba in taa hore lixdankii ay hadda wax isbeddeleen, sida kalena tuhummo reereed oo qabyaaladina aaanay ka madhnayn ay meesha ku jirto.

“Dadkiina isbeddel oo sidii hore maaha, taa laftigeeduna tirakoob kuma salaysnayn ee Ingiriiska qiyaastiisa ayuun bay iskaga salaysnayd, intii ka danbaysana tirakoob ma dhicin, markaa dadkii way is wada tuhun san yihiin, qabyaaladdiina kama madhna. Markaa halkaas ayuu ka taagan yahay tuhummada xildhibaannada qaar qabaan.”

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Dagaal Culus oo Ka Dhacay Maxaas
Next articleDad ka badan 50 qof oo la dilay iyagoo u dabaal dagaya mowliidka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here