Home Wararka Maanta Wararkii igu danbeeyey Duqaymo iyo Dagaal Toos ah oo Alshabaab iyo Ciidamada...

Wararkii igu danbeeyey Duqaymo iyo Dagaal Toos ah oo Alshabaab iyo Ciidamada Dowlada ku Dhexmaray Duleedka Ceelbuur

0

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo qaybo badan oo kamid ah gobolkaasi, xilli ay soo kordhayaan dhaq-dhaqaaqyada ay ciidamada dowladda ka wadaan halkaasi.

Xiisaddan ayaa timid, kadib markii ay ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan kuwa Danab ay howlgal ku qaadeen saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi.

Howlgalladan ayaa si gaar ah uga socda aagga magaalada Wabxo, waxayna ciidamada Danab weerareen deegaanka Ceel Gumad Gaal oo u dhow magaaladaasi.

Sidoo kale waxaa halkaas ka dhacay dagaala u dhexeeyay ciidamada Danab iyo Xoogaga Al-Shabaab oo haatan dib loo sii riixaayo, marka la eego gulufka ku socda ee Galmudug.

Dagaalkan ayaa waxaa barbar socotay duqeyn iyo madaafiic lagu garaacay duleedka degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, kuwaas oo geystay khasaare kala duwan.

Taliye ku xigeenka ciidanka kumaandooska Danab, Maxamed Sheekh oo ka hadlay howlgalldaas ayaa sheegay in duqeynta ay la eegteen saldhigyo ay Al-Shabaab ka difaacayaan degmada Ceelbuur, isla-markaana ay ku gaarsiiyeen khasaare xoogleh.

Ciidamada huwanta ayaa sidoo kale maanta si buuxda ula wareegay deegaanka Dac oo ka tirsan isla gobolkaasi, kadib markii ay isaga baxeen xoogaga kooxda Al-Shabaab.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Ganacsiyo wawayn oo ku Yaal Boosaaso oo Daacish Albaabada Isugu Dhufatay
Next articleAlshabaab oo Dagaal Culus kusoo Qaaday Tuulo Hoostagta Ceelbuur oo Maantay Laga Qabsaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here