Home Wararka Somaliya Somaliland Soomaaliland oo Ka Hadashay Dagaalka Saakay Markale Ka Qarxay Laasacanood

Soomaaliland oo Ka Hadashay Dagaalka Saakay Markale Ka Qarxay Laasacanood

0

Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada maamulka Somaliland iyo kuwa taabacsan dadka deegaanka ayaa saakay dib uga qarxay magaalada Laascaanood, dagaalka ayaana la isku adeegsanayaa hubka culus .

War saxaafadeed goordhaw kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Somaliland ayaa lagu sheegay in saakay ciidankooda ku sugan duleedka Laascaanood weerar kusoo qaadeen ciidamada Puntland, kuwa nabad diid ah iyo kuwa kale ay ku tilmaameen argagaxiso.

Somaliland ayaa sheegtay in weerarka saakay lagu soo qaaday ay ku tilmaantay mid fuleynimo ah iska difaaceen, waxa ayna xuseen in weerarka saakay lagu soo qaaday lagu car-qaladeenayo dadaalada lagu doonayo in colaada Laascaanood nabad lagu bedelo.

Halkan ka akhriso War saxaafadeedka Somaliland kasoo baxay

WAR-SAXAAFADEED

Hargeysa-06-03-2023 Kooxaha huwanta ah ee sugan Magaalada Laascaanood ee ka kooban argagixiso, Nabad-diid iyo Puntland ayaa maanta oo taariikhdu tahay 06/03/2023 weerar ku soo qaaday fadhiisimada ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee ku sugan agagaarka Magaalada Laascaanood, weerarkaa oo ah mid fulaynimo ah, mana jirto wax dhibaato ah oo soo gaadhay Ciidamada Qaranka.

Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxay ka jawaabeen weerarka ay soo qaadeen kooxaha isgarabsanayaa isdifaacid iyo iska caabin.

Xukuumadda Jamhuuriyadda waxay cadaynaysaa in weerarkan saaka ay soo qaadeen kooxaha huwantu ay ujeedadiisu tahay in la hor istaago ama la carqaladeeyo deddaalada lagu xoojinayo nabaddaynta Magaalada Laascaanood. Talaabadan oo muujinaysa sida kooxaha argagixisada ah iyo Maamulka Puntland aanay u ogolayn in shacabka Magaalada Laascaanood nabad helaan.

Ad
Previous articleAlshabaab oo xalay Madaafiic Ku Garaacday Qaybo ka Mid ah Magaalada Muqdisho
Next articleTrump: “Waxaan ku soo afjari karaa dagaalka Ukraine hal maalin”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here