Home Wararka Maanta SAWIRO Qarax Ka dhacay Muqdisho iyo Faah Faahino Laga Helayo

SAWIRO Qarax Ka dhacay Muqdisho iyo Faah Faahino Laga Helayo

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax xoogan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafadda Beexaani dhinaca degmada Kaaraan, kaasi oo jugtiisa laga maqlay xaafaddo ka tirsan Gobolka Banaadir.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa lala eegtay Taliyaha cusub ee Ciidanka ilaalada deegaanka Xamae ee Maamulka Gobolka, xili uu marayay xaafadda Beexaani ee Kaaraan.

Goobjoogayaal la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in qaraxaas uu ka badbaaday Taliye Maxamed Caraboow Cali oo ah Taliyaha ilaalada deegaanka, hayeeshee uu jiro khasaaro dhaawac ah.

Saddex Askari oo la socday Taliye Caraboow ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen qaraxaas ka dhacay degmada Kaaraan, waxaana la geeyay Xarun Caafimaad, kuwaasi oo saarnaa gaariga qaraxa lala eegtay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tegay aaga uu qaraxu ka dhacay, isla markaana xiray wadada, in kastoo markii dambe ay dib u fureen, mana jiro wax war  ah oo kasoo baxaya laamaha amniga dowladda.

Ad
Previous articlePuntland oo Maamulo Daciif ah ku tilmaamay Hirshabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed
Next articleGolaha Shacabka oo Maanta Kulmaya iyo Cabsi Laga qabo Waqti Kordhin inay sameeyaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here