Home Wararka Somaliya Galmudug Madaxweynaha Galmudug oo Booqday Deegaano Dhowr ah (Sawiro)

Madaxweynaha Galmudug oo Booqday Deegaano Dhowr ah (Sawiro)

0

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hogaaminayo oo safar dhulka ah ku maraya deegaano katirsan Gobolka Galgaduud, ayaa shalay waxa uu safarkiisa ku soo maray deegaanka Ardo, halkaas oo uu kula kulmay odayaasha iyo waxgaradka deegaaka Ardo.

Odayaasha iyo wax garadka deegaanka ayaa madaxweynaha waxaa uu ka dhagaystay warbixinno iyagoona odayaasha xusay in dadka deegaanka ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Safarka madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye uu ku marayo deegaanadaas ayaa daaran u diyaar garowga dowlad iyo shacabba sidii deegaanadaas looga cirib tiri lahaa kooxaha Argagixisada ah.

Ad
Previous articleUHURU Kenyatta oo si yaab leh u dhaqmay kaddib go’aankii maxkamadda sare
Next articleXog ku saabsan Magacaabista Gudoomiyaha Gobalka Banaadir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here