Home Wararka Maanta Marwo Faadumo Cabdi Cali oo Dhawaan Xilka Laga Qaaday oo Qoraal soo...

Marwo Faadumo Cabdi Cali oo Dhawaan Xilka Laga Qaaday oo Qoraal soo saartay

0

Marwo Faadumo Cabdi Cali oo aheyd Ku-xigeenkii Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, uuna dhawaan xilka qaaday ra’iisul wasaare Xamza ayaa maanta soo saartay qoraal Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa dhawaan waxa uu Cabdirisaaq Cali Ibraahim u magacaabay inuu noqdo ku-xigeenka xoghayaha joogtada ee xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Marwo Faadumo ayaa muddo saddex sano iyo bar ah ka shaqeynaysay xafiiska ra’iisul wasaaraha, ayada oo lasoo shaqeysay ra’iisul wasaarayaashii kala dambeeyay.

“Waxaan si mug iyo miisaan leh ugu mahad-celinayaa mas’uuliyiinta aan sida kalsoonida leh usoo wadashaqaynay ee uu ugu horreeyo ra’iisul wasaaraha xukuumadda JFS Mudane Xamza Cabdi Barre iyo ra’iisul wasaarihii hore Mudane Maxamed Xuseen Rooble,” ayey ku tiri qoraalka ay soo saartay ku-xigeenkii hore ee xoghayaha joogtada ee xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Sidoo kale waxay ku boorisay dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh in ay gabdhuhu qayb lixaad leh ka noqdaan heerarka maamulka dhexe iyo sare ee xafiisyada dowladda.

Hoos ka aqriso qoraalka

Waxaa sharaf ii ahayd in aan saddex sano iyo bar u helay fursad aan ugu adeego qaranka gaar ahaan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha (OPM Somalia).

Marxalado, Madax qaran iyo Xukuumado kala duwan, mas’uuliyaddu waa hirgalinta ahdaafta Xukuumadda iyo u adeegista ummadda.

Waxaan si mug iyo miisaan leh ugu mahadcelinayaa mas’uuliyiinta aan sida kalsoonida leh usoo wadashaqaynay ee uu ugu horreeyo RW Xukuumadda JFS Mudane Hamza Abdi Barre, Ra’iisul Wasaarihii hore Mudane Mohamed Hussein Roble, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenada Mudane Salah Jama iyo Mudane Mahdi M. Gulaid, Wasiir Dowlayaasha Mudane Hirsi Gani iyo Mudane Abdihakim Ashkir, Dhammaan Xoghayayaashii hore iyo Xoghayaha hadda jooga, Agaasimayaasha, La-taliyayaasha, Saraakiisha iyo Ciidamada XRW, dhammaan shaqaalaha iyo hawlwadeenada kala duwan ee XRW iyo guud ahaan Xukuumadda.

Waxaan si gaar ah ugu mahad-celinayaa gabdhaha Xafiiska RW oo si hagar la’aan iyo hoggaamin leh iila shaqeeyay. Waxaan u rajeenayaa in gabdhuhu qayb lixaad leh ka noqdaan heerarka maamulka dhexe iyo sare ee Xafiisyada Dowladda.

Guul ayaan u rajeenayaa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Hoggaaminta RW Hamza Abdi Barre iyo guud ahaan Xukuumadda Dan Qaran.

Mahadsanidiin

Ad
Previous article300 Oo Askari oo Maantay Muqdisho Tababar loogu soo Xiray
Next articleSomaliland ayaa mar kale war cusub kasoo saartay heshiiska muranka dhaliyay ee ay la gashay Itoobiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here