Home Wararka Somaliya Galmudug Duqa Degmada Gaalkacyo oo Kormeeray Goobaha Waxbarashada ee Gaalkacyo(Sawirada)

Duqa Degmada Gaalkacyo oo Kormeeray Goobaha Waxbarashada ee Gaalkacyo(Sawirada)

0

Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Xasan oo ay wehliyaan agaasimaha waaxda arimaha bulshada Daahir Maxamuud iyo Xildhibaan maxamed ali ahmed ayaa kormeer u kuurgelid ah ku tagay qaar ka mid ah goobaha Waxbarasho ee ku yaala Magaalada Gaalkacyo.

Maayarka ayaa booqday Dugsiga Ardayda Maqalka Naafada ka ah wax lagu baro isagoo warbixin ka dhageystay Maamulka iyo Macalimiinta Dugsiga una cadeeyay in Maamulka Degmadu Juhdi kasta ku bixinayo Horumarinta Waxbarashada Dadka baahiyaha gaarkaa qaba.

Wuxuu kaloo maayarku kormeeray Dugsiga sare ee S Y L halkaas oo uu kula kulmay Maamulka , Macalimiinta iyo ardayda wax ka barata Dugsiga Sare ee S Y L Xilli ay ku gudajireen Halgankooda waxbarasho isagaa ku dhiirigeliyay ardayda Dugsigaasi wax ka barata dadaalkooda Aqooneed.

 

Ad
Previous articleGudi Wasiira oo Rooble Dhawaan Magacaabay oo Jowhar Gaaray
Next articleMadaxweyne Ordugan iyo Xaaskiisa oo Crona Haleelay iyo Farmaajo oo Ka hadlay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here