Home Wararka Maanta Dalka Turkiga 22 Qof oo ku Dhimatay Halka 50 ay ku Xanibanyihiin...

Dalka Turkiga 22 Qof oo ku Dhimatay Halka 50 ay ku Xanibanyihiin Goob Dhuxusha laga qado

0

Ugu yaraan 22 qof oo macdan qodayaal ah ayaa ku dhintay qarax ka dhacay goob dhuxusha laga qodo oo ku taalla waqooyiga Turkiga, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha ee dalkaasi. 49 ayaa weli ku xayiran dhulka hoostiisa.

110 qof ayaa ku jiray gudaha miinada markii uu qaraxu ka dhacay magaalada Camasra oo ah magaalo xeebeed ku taal badda madow ee gobolka Bartin Jimcihii.

Kuwo badan ayaa u suurtagashay in ay dibadda u baxaan. Laakiin 49 ayaa weli ku xidhan qayb ka mid ah miinada oo loo yaqaan “khatarta sare” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Suleyman Soylu goor dambe oo fiidnimadii Jimcaha ah.

Wuxuu sheegay in 22 qof oo macdan qodayaal ah ay naftooda ku waayeen, halka 28 kalena ay ku dhaawacmeen.

Dadka la la’yahay ayaa ku kala yaalla laba meelood oo kala duwan oo u dhexeeya 300 iyo 350 mitir oo dhulka hoostiisa ah.

Wasiirka tamarta Fatih Donmez ayaa sheegay in qaraxa ay u badan tahay inuu ka dhashay gaas.

Ad
Previous articleSacuudiga oo Gargaar bini’aadannimo u diray Dalka Ukraine
Next articleXildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka qayb galay fadhiga guud ee Baarlamaanka Adduunka. 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here