Home Wararka Somaliya Maamulka Ahlu-suna oo war kasoo saaray Dagaalada ka dhacay Galmudug

Maamulka Ahlu-suna oo war kasoo saaray Dagaalada ka dhacay Galmudug

0

Madaxda Ahlu Sunna Waljameeca ee Galgaduud ayaa war rasmi ah kasoo saartay dagaalkii shalay Bohol ku dhex maray ciidamada Galmudug iyo kuwa taabacsan culumada Ahlu Sunna.

Madaxda Ahlu Sunna ayaa sheegay in dagaal gardaro ah lagu soo qaaday deegaanka Bohol oo ah meel dagan, islamarkaana ay dagaalka soo qaadeen ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda Federaalka.

Qoraalka kasoo baxay Ahlu Sunna ayaa lagu sheegay in Ahlu Sunna aysan marnaba diyaar u aheyn daadinta dhiigga Muslimiinta isla markaasna iyaga lagu soo duulay ayna ku qasban yihiin inay is difaacaan.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Beesha Caalamka ayey Ahlu Sunna ugu baaqday inay ka hor tagaan dagaalka gardarada ah oo ay maleegayaan Fahad Yaasiin iyo Qoor Qoor.

Ugu dambeyntii, Ahlu Sunna ayaa sheegtay inay soo dhaweeneyso dadaalada nabadda lagu raadinayo iyadana ay diyaar u tahay inay ka qeybgasho joojinta dhiigga ummadda Soomaaliyeed.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay Ahlu Sunna oo dhameystiran

Ad
Previous articleMadaxweyne Qoor Qoor oo gaaray Dhuusamareeb
Next articleRaisul Wasaare Rooble oo ka Hadlay Dagaalka Ahlu Sunna dib uga bilowday Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here