Home Wararka caalamka Degmada Xarardheere Xiisad ka Taagneyd oo Gudi Nabadoona ah ay Xal ka...

Degmada Xarardheere Xiisad ka Taagneyd oo Gudi Nabadoona ah ay Xal ka Gaareen Kadib Markii Halkaasi.,,,,

0

Guddi Odayaal ah oo loo saaray  xallinta xiisad beeleedyo ka taagnaa deegaanno hoostaga degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in ay soo afjaraan xiisadahaasi.

Nabadoon Abuukar Macallin Axmed  ayaa sheegay in kadib kulan lagu qabtay deegaanka Hanro ee Gobolka Mudug lagu gaaray heshiis Nabadeed oo u dhexeeyo labada Maleeshiyo beeleed ee deegaanadaasi ku dirirayay.

Dagaal Beeleedyada ka jiray deegaanada ku dhow dhow degmada Xarardheere ayaa mudada ay socdeen sababay khasaarooyin Naf iyo Maalba leh.

Nabadoonada Ayaa Sheegay in Arintan ay ku Guuleesteen isla Markana ay sii Wadi doonaan Wadahadalka si aysan Markale u Dhicin Dagaal u Dhaxeeya Bulshada Wada Daga Deegaanada Hoostaga Degmada Xarardheere oo Xiligan Gacanta ku Hayaan Ururka Al.shabaab Sida Mudug24 uu u Sheegay Mid kamid ah Dadka Deegaanka,,,

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here