Home Wararka caalamka Xaaska R/wasaare Cumar C/rashiid oo lagu xiray garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta,,,,

Xaaska R/wasaare Cumar C/rashiid oo lagu xiray garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta,,,,

0
SHARE

Ciidamada amaanka Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee Jomo Kenyatta International Airport ee magaalladda Nairobi, ayaa gacanta ku dhigay Xaaska R/wasaaraha Somalia.

Xaaska R/wasaaraha ayaa waxaa la qabtay iyada oo la safreysay Xabado farabadan oo aan sharci aheyn, waxaana markii danbe xiray Ciidamada Garoonka.

Boorso ay wadatay Xaaska R/wasaaraha ayaa waxaa laga helay 16 xabbo oo rasaasta qoryaha Fudud, kadib, markii boorsadda la mariyey Qalabka Baritaanka ee yaalla halka wax lagu baaro The Screening area ee Garoonka.

Ciidamada oo qabashada kadib u gudbiyay Saldhig ku yiilay gudaha Garoonka ayaa Su’aalo weydiiyay Xaaska R/wasaaraha waxa ayna Ciidamada ku wargalisay inay tahay Xaaska R/wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.

Marwada oo lagu magacaabo Asha Yasin Hassan ayaa waxaa la qabtay iyadoo Aroornimaddii Sabtida ee la soo dhaafay raaci lahayd Diyaarad ku sii jeeday dalka Maraykanka.

Sidoo kale, Marwo Asha Yasin Hassan ayaa Baarayaasha Garoonka Jomo Kenyatta u sheegtay inuu Shandada ay wadatay uu leeyahay ninkeeda, isla markaana iyadoo degdegsan soo qaatay, iskana baarin waxa ku jiray Shandada.

Marwo Asha Yasin Hassan ayaa la sheegay inaysan lahayn Laysinka Fasaxa ee dadka loogu oggolaado inay qaadan karaan hub.

Dhacdadaani ayaa waxa ay walaac galisay Ciidamada amaanka Kenya waxaana la soo sheegayaa in Marwo Asha Yasin Hassan lagu siidaayay damiin lacageed oo aan cadadeeda la shaacinin.

Dowlada Soomaaliya ayaan weli ka hadal Xariga Marwada R/wasaaraha, inkastoo ay ka qajileyso kahadalka arintaasi maadaama ay fashil ku noqoneyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here