Home Wararka Somaliya Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay Qarax lagu dilay Saraakiil ciidan oo Galmudug...

Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay Qarax lagu dilay Saraakiil ciidan oo Galmudug ku sugnaa

0

Madaxweynaha maamulka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa ka tacsiyeyey geerida taliyihii ciidanka Nabad-suggidda Magaalada Dhuusamareeb, Marxuum Qooje Cabdi Shiiqdoon, Kabtan Cabdixakiin iyo askartii kale ee ku shahiidday qaraxii maanta ka dhacay agagaarka Deegaanka Ceeldheer.

“Waxaan dhamaan Eheladii iyo Qoysaskii ay ka baxeen uga tacsiyeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Taliye Cabdirashiid Cabdi Shiiqdoon “Qooje” iyo Dhame Abdihakim Macalin mustaf iyo Askartii kalle ee ku shahiiday qaraxii, Khawaarijtu ey la eegteen” sidaa waxaa yiri Madaxweynaha GM md. Axmed Qoorqoor.

Madaxweyne Qoor Qoor oo ku amray shaqaalaha madaxtooyada Galmudug oo qaban Qaabinayay Xaflada sanadguuradii koobaad ee kasoo wereegtay doorashadiisa in ay gabi ahaanba meesha ka saaraan xafladdaas oo caawa dhici lahayd

Sababta Xaflada loo baajiyay ayaa la xiriirta Tacsida taala Dhuusamareeb ee geerida Taliyihii Nabad Sugida iyo Askartii qaraxa lagu dilay wuxuuna madaxweynuhu Ka Dalbaday Gudigii Xafladda qaban qaabinayay in aan la ceebayn oo meesha laga saaro Xafladaas maadaama dadku murugeysan yihiin.

Ad
Previous articlePuntland”Caawa wixii ka danbeeya Farmaajo waxaan u aqoonsanahay Madaxweynihii hore”
Next articleMidowga Musharixiinta oo dalab hordhigay Guddoomiyaha Golaha Shacabka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here