Home Wararka caalamka Akhriso Kulankii Dhexmaray Madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuled iyo Baarlamaanka Kaasi oo laga...

Akhriso Kulankii Dhexmaray Madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuled iyo Baarlamaanka Kaasi oo laga Soo Saaray Go.ano ku Aadan Ku Dhawaqida Wasirada,,,

1
SHARE

Warka ka imaanaya Magaalada Cadaado ayaa sheegaya in goor dhow uu soo gabagaboobay kulankii degdega ahaa ee u dhexeeyay Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug.

Kulanka ayaa ahaa mid uu dalbaday Madaxweyne C/kariin, si Xildhibaanada Baarlamaanka uu uga codsado waqti kordhin maadaama uu manta ugu ekaa waqtigii loo qabtay inuu kusoo dhiso Xukuumadiisa.

Kulanka oo waqti qaatay ayaa waxa ay Madaxweynaha iyo Xildhibaanada isla garteen in Madaxweynaha mudo 15 maalin loogu daro soo dhisida Xukuumadiisa, kadib markii uu Xildhibaanada u sheegay in dib dhaca uu sabab u yahay kasbashada Maamulka Ahlusuna si looga qeybgaliyo Xukuumada cusub.

Xildhibaanada ayaa Madaxweynaha u ogolaaday inay waqti dheeri ah siiyaan waxa ayna ka dalbadeen Madaxweynaha inuu xaqiijiyo kalsoonida Ahlusunna.

Madaxweyne C/kariin ayaa Baarlamaanka uga mahadceliyay kalsoonida ay u muuujiyeen waxa uuuna u balanqaaday inuu la imaan doono Xukuumad tayo leh oo dhan waliba ka dhameystiran.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here