Home Wararka Maanta Magaalada NewYork oo xaalad degdeg ah looga dhawaaqay

Magaalada NewYork oo xaalad degdeg ah looga dhawaaqay

0

Xaalad degdeg ah ayaa lagu soo rogay magaalada New York iyadoo duufaano xooggan ay keeneen daadad waddooyinka xiray.

Qaar badan oo ka mid ah nidaamyada tareenada dhulka hoostiisa mara ee magaalada, iyo waddooyinka waaweyn ayaa daadadka gaareen, halka ugu yaraan hal terminal oo ku yaal Gegida Diyaaradaha ee LaGuardia la xiray Jimcihii.

Ilaa 8in (20cm) oo roob ah ayaa ka da’ay qaybo ka mid ah magaalada, waxaana la filayaa in dhowr inch oo kale jimcaha xili dambe, sida ay sheegeen waxda saadaasha.

“Tani waa duufaan khatar ah, oo nafta halis gelinaysa,” ayay tiri Badhasaab Kathy Hochul. “Waxaan ku dhawaaqayaa xaalad degdeg ah guud ahaan magaalada New York, Long Island, iyo Hudson Valley sababtoo ah roobabka aadka u daran ee aan ku aragno gobolka oo dhan,” ayuu Gov Hochul ku yiri X, oo hore loogu yiqiin Twitter.

Waxay dadka ku boorisay inay qaadaan tillaabooyin ay ku ilaalinayaan ammaanka oo “aysan isku dayinna inaad ku safrataan waddooyinka daadku qaaday”.

Ad
Previous articleWaa kuma ninka Soomaaliga ah ee lagu tilmaamay baadari kaniisadda hugaamiya?
Next articleSwedan oo Dowlada Soomaaliyabku Qasbaysa inay aqabasho Soomaalida Dalkaas laga Soo Tarxiilaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here