Home Wararka Maanta Odayaasha Deegaanka Lug Haye oo Wacad ku maray inay Itooboya Iska Difaaci...

Odayaasha Deegaanka Lug Haye oo Wacad ku maray inay Itooboya Iska Difaaci Doonaan Musi Biixina Hadal Adag Udiray(Sawiro)

0

Odayaasha dhaqanka Lughaya ayaa maanta soo bandhigay sida ay uga soo horjeedaan damaca gurracan ee Itoobiya ku dooneyso qeybo kamid ah badda Soomaaliya.

Odayaashan oo shir jaraa’id ku qabtay xeebta Lughaya ayaa waxay si cad u sheegeen in ay dagaal ka xigaan heshiiskii Addis Ababa, oo Itoobiya loogu saxiixay dhul badeed kamid ah Lughaya.

“Badda Lughaya xeelageedii ayaa fadhinaa waxaan halkan ka caddeynaynaa baddan Lughaya ee laga bixiyay saldhiga milateri in aan anagu raali ka aheyn, raalina aan ka noqon kareyn,” ayuu yiri mid kamid ah odayaasha dhaqanka Lughaya.

Odayaasha dhaqanka Lughaya ayaa sidoo kale waxay luuqadii ugu adkeyd kula hadleen hoggaamiyaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, “Cidii isku deyda inay sameyso waxaas ama keento dalal kale anaga oo nagala tashan, nina u daba fadhiisan mayno dhulkan anaga ayuu Ilaahay na dhigay oo naloo daba fadhiisan.”

Sidoo kale waxay sheegeen in Somaliland ay mareyso meeshii ugu darneyd oo halis ah, islamarkaana ay u baahan bad-baado deg deg ah, ayaga oo si weyn u dhaliilay maamulka Somaliland ee uu hoggaamiyo Mr. Biixi.

Arrintan ayaa imaaneysa xilli kal hore Lughaya looga dhawaaqay kacdoon hubeysan oo ka dhan ah damaca Itoobiya, kadib markii ay Itoobiya shaacisay in dhul badeedka loo saxiixay uu yahay Lughaya.

Dhallinyarada magaalada Lughaya oo dhawaan ka soo muuqday warbaahinta iyaga oo ku hubeysan hubka fudud iyo kuwa culus ayaa si adag uga horyimid damaca Abiy, iyaga oo markaas sheegay in badda leeyihiin dadka Soomaaliyeed.

“Somaliland wax la yiraahdo ma garaneyno. Somaliland dhulka iibineysa ma dooneyno, waxaa aqoonsaneyna oo horena u aqoonsaneyn dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.”

Horraantii sanadkaan ayay aheyd markii Muuse Biixi iyo Abiy ay heshiis is-afgarad ku saxiixdeen magaalada Addis Ababa, kaasi oo Biixi uu sheegay in Itoobiya loogu saxiixayo dhul badeed dhan 20 KM, si ay saldhig uga dhigtaan Ciidanka Badda Itoobiya.

Somaliland ayaa markaas sheegtay in weli la isla qaadan goobta laga siinayo dhul badeedka, balse Itoobiya ayaa dhankeeda shaaca ka qaaday in ay doorteen dhanka Lughaya, islamarkaana 20KM ay ka badan karto dhulka ay rabaan, sida uu telefishanka dowladda u sheegay La-taliyaha amniga Qaranka ee Itoobiya, Redwan Hussein.

Si kastaba, Xiisadda ka dhalatay heshiis beenaadka Addis Ababa ee Muuse Biixi iyo Abiy ayaa xilligaan mareysa meel xasaasi ah, kadib markii si wada-jir ah ay Soomaalida uga horyimaadeen, maadaama uu yahay mid masiiri ah oo xad-gudub ku ah qarannimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

Ad
Previous articleDowlaa Itoobiya oo Qaaday Go,aan Ka Dhan ah Dowlada Soomaaliya
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Saraakil Sare Sare ooAlshabaab ah oo Lagu laayay Galmudug iyo Degaan Laga Qabsaday Alshabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here