Home Wararka Maanta P.M Xamse iyo Cabdiraxman Cabdishakuur oo Khilaaf Xoogan Soo Kala Dhexgalay kadib...

P.M Xamse iyo Cabdiraxman Cabdishakuur oo Khilaaf Xoogan Soo Kala Dhexgalay kadib Markii……

0

Warar madax banaan ayaa xaqiijinaya in uu dekeda magaalada Muqdisho taagan yahay Markab ka yimid dalka Imaaraatka Carabta, sidana Gargaar loogu talogalay dadka ay sameeyeen Abaaraha baahsan ee kudhuftay dalka.

Xaafiiska R/wasaaraha iyo Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha ugu xilsaaran arrimaha Abaaraha ayaa isku haysta, cida xaqqa u leh in ay Gargaarkan kala wareegto dawladda Imaaraatka ee bixisay.

Madaxweyne Xassan ayaa amray shalay in Markabka uu la wareego R/wasaare Xamse, loona xilsaaro Raysalwasaare kuxigeenka, balse waxaa Talaabadaas ka carooday dhinaca Ergayga Arrimaha Abaaraha ee Madaxweynaha.

Waraaqo Canshuur dhaaf ah oo laga qoray Xaafiiska Ergayga gaarka ah, uuna wado mid kamid ah Gacan-yarayaadha Ergayga ayaa tagay Xaafiiska RW Xamse, balse wuu kuhungoobay helida saxiixida waraaqaha.

Ilo wargal ah ayaa xaqiijinaya in Cabdiraxmaan Warsame aaminsan yahay in ay tani shaqadiisa tahay, balse Villa Somalia ayaa sheegaysa in doorka Warsame yahay qareemid.

Ad
Previous articleXildhibaankii goobta codaynta doorashada qofka ku dilay oo macaan iyo qaraar dhadhaminaya
Next articleFaaf faahino ka soo baxaya Dil iyo dhaawac Soomaali Loogu gaystay Canada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here