Home Wararka Maanta Muxuu Madaxweyne Xasan kala hadlay Ruto iyo Sheekh Shariif?

Muxuu Madaxweyne Xasan kala hadlay Ruto iyo Sheekh Shariif?

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Nairobi kula kulmay madaxweynaha dalka Kenya William Samoei Ruto. Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin horumarinta xiriirka labada dal, horumarinta xasilloonida gobolka, kor u qaadista dadaallada wadajirka ah ee lagula dagaallamayo argagixisada iyo nabadda iyo amniga gobolka. Sida lagu sheegay qoraal kooban oo lagu daabacay bogga Villa Somalia ay ku leedahay barta X ee horey loogu yaqiin Twitter.

Dhanka kale madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa bartiisa X isna ku yiri “Kenya waxa ay dib u xaqiijinaysaa sida ay uga go’an tahay in ay kala shaqeyso Soomaaliya sidii loosii horumarin lahaa nabadda iyo ammaanka gobolka si loo helo barwaaqo aan wadaagno.

Wax aan kusoo dhaweeyay Madaxweyne Hassan Sheikh Guriga Dowladda ee (State House) ee Nairobi, waxa aanan kawadahadalnay hindisayaal wadajir ah oo lagula dagaalamayo argagixisada iyo amni darrada guud ee gobolka. Ayuu ku daary Madaxweyne ruto qoraalkiisa .

Dhanka kale madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa xalay kulan ay albaabadu u xiranyihiin la qaatay madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheikh Axmed oo isna ku sugan Nairobi.

Kulanka ayaa ku billowday casho guud hase yeeshee u gudbay mid gaar ah oo ay lamada madaxweyne yeesheen.

Ma cadda waxa rasmiga ah ee ay kawada hadleen hase yeeshee madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed ayaa dhawaanahan si weyn uga hor imaadsanaa arrimaha wax kabadalka dastuurka ee dalka oo dhawaan ay baarlamanka Soomaaliya ansixiyeen.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyaha Kenya ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ku howlanaa dadaallo diblamaasiyadeed oo uu ku doonayo in uu ku dejiyo xiisadda ka dhex aloosan Muqdisho iyo Addis Ababa, taasoo salka ku haysa arrimaha badda.

Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamud ayey booqashadiisu ku egtahay maanta oo jimco ah isagao la filayo in isla maanta uu dalka dib ugu laabto sida uu BBC-da u shegay sarkaal sare oo katirsan madaxtooyada Soomaaliya.

Ad
Previous articleKenya oo soo jeedisay qaab cusub oo lagu damin karo xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya
Next articleDadkii loo qabtay dilka ganacsade Soomaali ah oo lagu dhaawacay xaafadda Islii oo maydadkooda la helay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here