Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan shiikh oo La Kulmay Xildhibaanada Federalka Ee laga Soo Doorto...

Madaxweyne Xasan shiikh oo La Kulmay Xildhibaanada Federalka Ee laga Soo Doorto koonfur Galbeed kalana Hadlay…..

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kula kulmay Villa Soomaaliya, Siyaasiinta Koonfur Galbeed, gaar ahaana Gudoomiyaha baarlamaanka Aaden Madoobe, 2dii gudoomiye ee hore Maxamed Mursal, Max’ed Cismaan Jawaari iyo madaxweynihii hore ee KG Shariif Xasan Sheekh Aadan, kulanka ayaa looga hadlay arrimaha Siyaasadda ee deegaanada K/Galbeed iyo Heer Federaal.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa u sheegay xubnahan in xaaladda Koonfur Galbeed, siyaasadeeda ay ka heshiiyeen Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen, oo ay dhameysteen haddana uu doonayo in 2da sano ee Mudo kordhinta ah aan dood laga keenin, balse iyaga uu qancin u sameyn doono.

Inkasta oo qaar kamid ah xubnaha ay dood soo celiyeen, haddana Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa ku qanciyey in uu doonayo in doorasho la qabto, amniga dalka lala wareego, lana dagaalamo kooxaha Argagixiso, laguna gaari karro oo kaliya xasilooni siyaasadeed oo laga hirgaliyo deegaanada oo dhan.

2da sano ayuu sheegay in ay kooban tahay, ayna ku jaan go’an tahay heshiiskii Golaha madasha wadatashiga Qaran ay gaareen, oo lagu cayimay xiliga la qabanayo doorashooyinka Dawlad gobaleedyada dalka.

Ad
Previous articleWararkii Ugu danbeeyey Qarixa Ismiidaamin ah oo ka Dhacay Gudaha Xero Ciidan oo ku Taal Muqdisho
Next articleXasan shiikh oo Faahfahiyay Shirkii Shalay Muqdisho lagu soo Gabagabeeyey iyo Talaabada Xigta ee la Qaadi doono

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here