Home Wararka Maanta Muxuu madaxweyne Xasan Sheikh ka yiri Go’aankii siyaasiyiinta qaar ay ku diideen...

Muxuu madaxweyne Xasan Sheikh ka yiri Go’aankii siyaasiyiinta qaar ay ku diideen war murtiyeedkii dhowaan kasoo baxay golaha wadatashiga qaran Hortagayna Baarlamaanka Soomaaliya?

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka hor hadlayay xildhibaannada labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka ayaa markii ugu horreysay ka hadlay walaaca qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo aqoonyahanku ka qabaan go’aannadii dhawaan ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka ee ku aadanaa wax ka badalka qaab dhismeedka dawladdu ku dhisan tahay iyo muddo xileedka hay’adaha dowladda.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in Golaha Wadashaigu gaaray heshiis siyaasadeed, heshiis kastana uu u baahan yahay in la marsiiyo sharciga iyo dastuurka si dalka loogu dhaqo.

Madaxweynaha ayaa yiri “waxa aan rabaa in aan halkaan ku xaqiijiyo, baarlamaanka iyo shacabka soomaaliyeed walwalka iyo waxyaabaha badan ee la dhex geliyay ee la xiriira talada golaha wadashiga qaran, walaalayaal sida aan horay idinkugu sheegay wax kasta oo lasoo gaaray oo golahaas ay soo gareen waa heshiis siyaasadeed, laakiin heshiis siyaasadeed dalka laguma dhaqee dastuur ayaa lagu dhaqaa, sharci ayaa lagu dhaqaa, qaanuun ayaa lagu dhaqaa, intaasina Meesha ay kasoo baxaan waa halkaan golaha shacabka, sharci aan halkaan soo marin dalka lagumana xukumi karo lagumana xukumi doono haddii alle yiraa”

Hadalka madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya iyada oo siyaasiyiin horay xilal ugasoo kala qabtay Soomaaliya ay hadal kasoo sareen war murtiyeedkii dhowaan kasoo baxay golaha wadatashiga qaran iyagoo u muuqday mid ay diiddanyihin

Ad
Previous articleMalleeshiyaad dab qabadsiiyay tuulo dhan oo ay dad daganaayeen
Next articleMadaxweyne Xasan oo shaaciyay arrin uu hoggaankiisu la kowsaday oo ka dhaxleen dowladdii hore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here