Home Wararka caalamka Madaxweynaha Galmudug oo Wada Soo Xulista Wasiirada Cusub iyo Caqabado Wali Hortaagan,,,Faafaahin,,,

Madaxweynaha Galmudug oo Wada Soo Xulista Wasiirada Cusub iyo Caqabado Wali Hortaagan,,,Faafaahin,,,

0

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Kariin Xuseen Guuleed ayaa Shalay  dib ugu laabtay Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee Maamulka Galmudug, waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay masuuliyiin katirsan Maamulkaasi iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Cadaado.

 
Cabdi Kariin Xuseen Guuleed ayaa soo dhaweyntiisa kadib sheegay intii uu joogay Magaalada Muqdisho uu ka qeyb galay shirar kala duwan , waxa uuna tilmaamay in uu guul kusoo dhamaaday shirarkii uu ka qeyb galay iyo kulamo uu la qaatay masuuliyiin katirsan Dowlada.

 
Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in dhawaan uu ku dhawaaqayo golaha Wasiirada maamulkiisa, waxa uuna cadeeyay in ay gabo gabo marayaan wadatashiyo ku aadan dhismaha golaha Wasiirada Maamulka Galmudug.

 
Waxa kale uu sheegay Madaxweynaha Galmudug in uu ku dhawaaqayo guddi wadahadalo la furo Kooxda Ahlu Sunna ee maamusha qeybo kamid ah Gobolka Galgaduud gaar ahaan Magaalooyinka Dhuuso Mareeb iyo Guriceel.

 
Dhinaca kale qaar kamid ah beeladaha Dega Gobolada Dhaxe ayaa suluugsan wasaarado beelahooda uu u qorsheeyay Madaxweynaha Maamulka Galmudug, waxa ayna ugu baaqeyn madaxweynaha in uu ka fiirsado Golaha Wasiirada kahor inta uusan ku dhawaaqin.

 
Maamulka Galmudug ayaa hada leh Madaxweyne iyo kuxigeenkiisa iyo Gudoon Baarlamaan, waxaana la filayaa in dhawaan lagu dhawaaqo Golaha Wasiirada uu maamulkaasi yeelanayo oon wali si rasmi ah loo shaacin tirada ay ka koobnaan doonaan.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here