Home Wararka Somaliya Madaxweynaha Kenya iyo Xog haya arimaha Dibada Mareykanka oo kawada hadlay xaalada...

Madaxweynaha Kenya iyo Xog haya arimaha Dibada Mareykanka oo kawada hadlay xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya

0

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken oo wadahadal dhinaca telfoonka yeeshay ayaa kawada hadlay dagaalka ka socda Itoobiya iyo xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya .

Uhuru Kenyatta iyo Antony Blinken ayaana si gaar ah uga wada hadlay khilaafka siyaasadeed ee xiligan ka dhax jira Madaxda ugu sareysa dalka gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble.

Labada masuul ayaana ugu baaqay madaxda Soomaalida gaar ahaan kuwa is khilaafsan in ay is xakameeyaan ayna si deg deg ah usoo gabogabeeyaan doorashada waqtigeeda ka dib dhacday.

”Madaxweyne Kenyatta iyo anigu waxaan maanta ka hadalnay sida degdegga ah ee loo joojinayo dagaalka si xal looga gaaro colaadaha sii xoogeysanaya ee ka socda Itoobiya iyo sida loogu baahan yahay in madaxda Soomaalida ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo gebagebeeyaan doorashada oo ay  is-xakameyaann.” ayuu yiri Antony Blinken.

Dowlada Mareykanka ayaa horey ugu hanjabtay in talaabo adag ka qaadeyso shaqsiyaadka caqabada ku ah sii socoshada doorashada, waxa ayna ugu baaqeen Madaxda dowlada in la qabto doorashada lagana fogaado khalalaase siyaasadeed.

Ad
Previous articleCiidamadii Badbaadob Qaran ee ku Sugnaa aaga Siigaale oo isaga Baxay Halkaas
Next articleXubna ka Tirsan Musharaxiinta oo diiday Casha sharaf uu sameeyay Qoor Qoor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here