Home Wararka caalamka Madaxweynaha Galmudug oo Sheegay in uu dhawaan ku dhawaaqidoono Golaha wasiirrada,,, Faafaahin,,,,

Madaxweynaha Galmudug oo Sheegay in uu dhawaan ku dhawaaqidoono Golaha wasiirrada,,, Faafaahin,,,,

1

Maamulka Galmudug ayaa sheegay iney meel wanaagsan mareyso qorshaha soo xulista xubnaha golaha wasiirrada ee maamulkaasi.

Afhayeenka maamulkaasi Mahad Xaashi Maxamed ayaa warbahinta  u sheegay inuu meel wanaagsan marayo dadaallada lagu soo xulayo xubnaha gobolaha wasiirrada ee maamulkaasi iyo hannaanka dib u heshiisiinta.

Wuxuu xusay in madaxweynaha maamulkaasi C/kariin Xuseen Guuleed uu dhawaan ku dhawaaqi doono xubnaha golaha wasiirrada maamulka Galmudug.

Afhayeenka ayaa hoosta ka xariiqay iney socdaan wadahadallo uu maamulka Galmudug kula jiro culumada Ahlusunna waljamaaca ee ku sugan gobolka Galgaduud ee bartamaha dalkeena Soomaaliya.

Madaxweynaha maamulka Galmudug mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayaa la filayaa in uu dhawaan soo bandhigo liiska xubanaha golaha wasiirrada ee maamulkaasi, sida uu xusay Afhayeenka maamulkaasi.

10 ku laabo mudug24 xiriir

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here