Home Wararka Maanta Xubnaha Beesha Caalamka iyo Midowga Musharaxiinta oo Muqdisho shir ku leh

Xubnaha Beesha Caalamka iyo Midowga Musharaxiinta oo Muqdisho shir ku leh

0

Xubno ka tirsan Midowga Musharixiinta Madaxweynaha iyo Waakiilada beesha caalamka ayaa waxaa xilligaan u socda Shir dhinaca Internetka ee Aalada (Zoomka).

Kulanka ayaa waxaa ay uga hadlayaan xaaladihii ugu dambeeyay, gaar ahaan dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaas oo dhexmaray Ciidamada dowladda iyo kuwo Millateri ah oo sheegay inay kasoo horjeedaan muddo kororsiga.

Safiirada beesha caalamka ayaa wada dedaalo ay ku joojinayaan dagaalada Muqdisho, iyadoo aysan wali jirin wax wadahadal uu u socda dhinacyada dagaalamay.

Xaalada Magaalada Muqdisho ayaa haatan ah mid degan, walow markasta la filan karo dagaal maadaama dhinacyadii dagaalamay ay weli ku wada sugan yihiin Magaalada Muqdisho.

Ad
Previous articleCiidamo Dhufaysa ka samaystay Muqdisho kuna goodiyay in Madaxtooyada ay la wareegayaan
Next articleWaa Sidee Xaalka Magaalada Muqdisho ee maanta kadib dagaaladii dhacay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here