Home Wararka Maanta Boggii Facebook ee Cali Yare Cali OO hawada Laga Saaray Kadib Markii...

Boggii Facebook ee Cali Yare Cali OO hawada Laga Saaray Kadib Markii Uu shalay Soo dhigay post ay Dowladu Dhibsatay

0

Waxaa hawada laga saaray bartii Facebook ee guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Cali Yare Cali, kadib markii uu baahiyey qormooyin ay dhibsadeen dad badan, kuwaas oo hey’adaha ammaanka dalka uu ku suurad xumeeyey.

Ninkaan oo ka falclinayey dagaalkii Mesagawaay oo Al-Shabaab ay sheegeen inay ku furteen hub badan ayaa sheegay inuu xog ku helay in hubka si ku tala gal ah loogu gacan geliyey kooxda.

Sidoo kale wuxuu bartiisa Facebook inta aan laga xirin ku soo qoray in amniga Muqdisho laga iibsaday Al-Shabaab oo bil kasta lacag la siiyo, si qaraxyada iyo weerarrada ay uga dhaafaan caasimadda.

Cali Yare wuxuu dowladda weydiiyey su’aal u dhigneyd, “Maxaad Al-Shabaab ugala heshii weyseen weerarrada ay ku qaadaan xeryaha ciidamada ee furimaha ku yaalla, si lamid ah heshiiska aad kula gasheen joojinta weerarradii Muqdisho?”

Dad badan oo ka falceliyey qormooyinkii uu Cali Yare baahiyey saacadihii lasoo dhaafay ayaa muujiyey sida ay uga xumaadeen hadalladaas ay sheegeen inay meel ka dhac ku yihiin hey’adaha ammaanka oo muujinaya dadaal aan horay oo arag.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay inay meesha ka saarto weerarradii iyo dilalkii qorsheysnaa ee Al-Shabaab ay ka geysa jireen caasimadda Muqdisho.

Sidoo kale dhul baaxad leh ayaa kooxda laga saaray halkii sano ee xukunka uu joogay madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana socda qorshe hor leh oo dowladdu ay dooneyso inay ku soo afjarto kooxda waqti kooban.

Maqaallada uu Cali Yare ka qoray arrimaha ammaanka dalka ayaa u horseeday inuu waayo oo laga xiro bartiisii Facebook, mana jirto cid la ogyahay oo toos u beegsatay ama sheegatay inay xirtay Facebook-gii Cali Yare, inkasta oo aad loogu tuhmayo dowladda.

Sidoo kale Cali Yare oo is xijiya madaxweynihii hore Farmaajo ayaa saacadihii lasoo dhaafay wajahay falcelin adag oo kaga timid bulshada Soomaaliyeed oo aad ugu foogan arrimaha ammaanka dalka, maadaama lagu hanweyn yahay in dowladdu ay ka adkaato Al-Shabaab.
Ad
Previous articleCiidanka Kumandoska Danab oo gubay gaarigii Horjooge C/raxman Gaagaale (Sawirro)
Next articleP.m Xamza oo amar cusub kusoo rogay wasiiradda DF kahor wejiga labaad ee dagaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here