Home Wararka Somaliya Jubbaland Madaxweyne Axmed Madoobe oo Ku amray Xubnaha Jubaland ugu Jira Dowlada Soomaaliya...

Madaxweyne Axmed Madoobe oo Ku amray Xubnaha Jubaland ugu Jira Dowlada Soomaaliya inay Hub iyo Ciidan keenaan

0

Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe ayaa dhowaan magaalada Muqdisho kulamo kula yeeshay xubnaha labada gole ee baarlamaanka federaalka kasoo galay Jubaland.

Xubno kulanka ka qeyb galay ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu xildhibaanada kala hadlay in xildhibaan kasta uu beesha ka keeno ciidamo iyo weliba saanaddooda hubka si ay qeyb uga noqdaan dagaalka la qorsheenayo in Al-Shabaab looga saaro deegaanada uu maamulkaas ka taliyo.

Madaxweynaha Jubaland ayaa xildhibaanada u sheegay inuusan hadda diyaar u aheyn inuu hubeeyo beelaha maadaama deegaanada ay ka dhaceen dagaal beeleedyo lagu hoobtay, wuxuuna taas badalkeeda sheegay in beelaha ay dagaalka kaga qeyb geli doonaan hubka ay hadda heystaan.

Axmed Madoobe ayaa xildhibaanada u sheegay inuusan hadhow qaadi doonin eeda la xiriirta wixii awood heysi ah ee dhanka federaalka ah haddii aan loo midoobin xoreynta deegaanada Jubaland oo qaarkood si buuxda gacanta ugu heyso kooxda Al-Shabaab.

Sida ay xogta aan helnay sheegeyso Axmed Madoobe ayaa xildhibaanada ku casuumay inay kasoo qeyb galaan kulan ka dhacayo Kismaayo kaasoo looga hadli doono sidii kooxda Al-Shabaab looga saari lahaa dhammaan deegaanada Jubaland.

Muddo 10 sano ah ayuu Axmed Madoobe ku hanjabayay in uu Al-shabaab ka saari doono deegaanada maqan, balse weli ficil looma rogin arrinkaasi. Kulankii uu xildhibaanada la yeeshay ayaa waxaa xusid mudan in ay ka maqnaayeen xubno muhiim ah oo saamayn ku leh beelabooda.

Ololaha uu wado Axmed Madoobe ayaa kusoo aadaya xilli qeybo kamid ah Soomaaliya uu ka curtay kacdoonka looga soo horjeedo kooxda Al-Shabaab, wuxuuna kacdoonkaas hadda si rasmi ah uga bilowday HirShabelle iyo Galmudug.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dhawaan ku habjabtay inay la dagaalami doonto qabiil kasta oo la safto dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza ayaa ballan qaaday inay hal sano gudahood ay Al-Shabaab kaga saari doonaan guud ahaan Soomaaliya.

 

 

Ad
Previous articleCiidamada Eritrea oo weerar Culus ku qaaday Tigray iyo dagaal Qaraar oo socda
Next articleWasiir Fiqi Oo La Kulmay Cabdi Waayeel Kadib Mudo Kororsigii Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here