Home Wararka Somaliya Galmudug Khilaaf Xoogan oo ka Dhex Qarxay Cali Ciid iyo QoorQoor Muxuu Salka...

Khilaaf Xoogan oo ka Dhex Qarxay Cali Ciid iyo QoorQoor Muxuu Salka Ku hayaa?

0

Waxaa soo ifbaxay khilaaf culus oo u dhaxeeya madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor iyo ku xigeenkiisa Cali Ciid, kaas oo mudo soo jiray, balse cirka isku shareeray 24-kii saac ee u dambeeyey.

Khilaafkaan wuxuu salka ku hayaa kursiga wasiirka arrimaha gudaha Galmudug oo Axmed Qoor Qoor uu xalay dib ugu magacaabay Cabdi Waayeel.

29-kii bishii May ee sanadkii hore ayuu Madaxweyne ku xigeenku xilkii ka qaaday wasiir Cabdi Waayeel oo ay isku heyb yihiin, balse ay laba jufo kala yihiin, xilligaasna Qoor Qoor wuxuu ku maqnaa Muqdisho.

Warqadii xilka looga qaaday Wasiir Cabdi Waayeel waxaa lagu sheegay in sababta xilka looga qaaday ay tahay gudasha la’aan waajibaadkii shaqo iyo hurinta colaad beeleedyada deegaanada Galmudug.

Sida ay ogaatay Mudug24 labadii bilood ee lasoo dhaafay Axmed  Qoor Qoor wuxuu miisaaniyadda ama biilka ka jartay xafiiska ku xigeenkiisa Cali Ciid.

Hadda Madaxweyne ku xigeenku wuxuu ka maqan yahay dalka, wuxuuna ku sugan yahay wadanka Tanzania, halkaas oo howlo shaqo uu u joogo.

Hase yeeshee ninkii uu xilka ka qaaday 10 bilood ayaa xalay dib loogu magacaabay isla xilkii, iyadoo uu weli jiro khilaafkii Cali Ciid iyo Wasiir Cabdi Waayeel iyo kan u dhaxeeya Qoor Qoor iyo Cali Ciid.

Ad
Previous articleGalmudug oo Malafkii Lagu Doortay Xildhibaanada Golaha Shacabka wareejisay Si loo Dhaariyo
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey ee Dagaalkii Ruushka iyo Ciidamada Ukrain oo Guulo soo Hooyay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here