Home Wararka Somaliya Galmudug Ciidanka xoogga oo gaadiid iyo deegaankii uu ku Sugnaa Kabakutukade ee...

Ciidanka xoogga oo gaadiid iyo deegaankii uu ku Sugnaa Kabakutukade ee Galmudug oo Al-Shabaab laga Qabsaday(Sawiro)

0

xoogga dalka ee ku sugan gobolka Galgaduud ayaa maanta gudaha u galay deegaano hor leh oo kooxda Al-Shabaab ay sanado badan maamuleysay.

Ciidanka ayaa caawa ku hoyanaya degaanka Ceeljuqow ee gobolka Galgaduud, halkaas oo maanta ay isaga carareen Shabaab-kii ku sugnaa 15-kii sano ee lasoo dhaafay.

Ceeljuqow ayaa waqooyi ka xiga degmada Galcad Waxaana Maalmihii Lasoo Dhaafay Ku sugnaa Kabakutude oo Ah waali Gobalka Shabeelada Dhexe Alshabaab u Qaabilsanaa, waxayna ciidanku sii mareen degaan kale oo muhiim ah oo lagu magacaabo Butbut, kaas oo Al-Shabaab ay baneeyeen inta aysan gaarin ciidamada duulaanka ah.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidanka galabta gudaha u galay degaanka istaraatiijiga ah ee Ceeljuqow ayaa warbaahinta u sheegay inay gacanta ku dhigeen 3-gaari oo kooxda Al-Shabaab ay ka carartay.

Gaadiidkaan oo looga dabategay dhulka howdka ah ee deegaanka Ceeljuqow oo kooxdu ay uga carartay ayaa dadka deegaankaas waxay sheegeen inay Al-Shabaab lahaayeen, waxayna saraakiishu sheegeen in sababta ay gaadiidkaan uga carareen ay tahay baqdin ay ka qabaan in la duqeeyo.

Dhinaca kale Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage iyo guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane ayaa maanta kormeer dhiiri-gelin ah ugu tegay cutubyo ka tirsan guutada 5-aad, qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka oo ku sugan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa ciidanka ku amaanay sida ay kooxda Al-Shabaab uga dulqaadeen dhibkii ay shacabka Soomaliyeed ku hayeen, mudadii 15-sano aheyd.

Taliye Odawaa iyo guddoomiyaha Maxaas ayaa ciidankii ayaa ciidanka u gudbiyey fariinta dowladda ee dagaalka la qorsheynayo dhamaan gobollada dhexe looga saaro Al-Shabaab.

Taliyaha guutada 4-aad ee qeybta 27-aad Korneyl Saney Cabdulle ayaa taliyaha iyo guddoomiyaha ku wehliyey kormeerkaan, waxayna u khudbeeyeen boqolaal ciidanka xoogga iyo kuwa is abaabulay ee deegaanka ah oo loo yaqaano Macawiisley.

Ad
Previous articleMas’uul Somaliland ka tirsan oo la goostay gaari dhawaan la siiyay, kuna biiray SSC
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Wiil Soomaali Ah Oo Si arxan Daran Lagu Dilay Dalka Ingiriiska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here