Home Wararka Maanta Sida loo soo badbaadiyay Haramcadka dhalka ah ee Gaalkacyo lagu iibinayay, dalalka...

Sida loo soo badbaadiyay Haramcadka dhalka ah ee Gaalkacyo lagu iibinayay, dalalka loo waday iyo qiimaha la kala siisto Haramcad sharcidarrada looga dhoofiyo Soomaaliya?

0

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ee Puntland ayaa shaacisay geerida Haramcad dhal ah oo laga soo badbaadiyay Soomaali sharci darro kusoo qabatay oo iib ku dooneysa.

Midkan geeriyooday oo ay wehliyaan labo kale oo dhal ah oo uu mid dhedig yahay ayay koox reer miyi ah kasoo qaadeen hooyadood iyada oo jira wax ka yar labo toddobaad, iyaga oo aan weli wax caano ah nuugin, sida ay faafisay wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ee dowlad goboleedka Puntland.

Kooxdan soo qabsatay Haramcadka dhalka ah ayaa iskudayay inay ku iibiyaan Facebook iyo sidoo kale gudaha magaalada Gaalkacyo oo loogu sheegay inay jiraan dadka danaynaya oo dibada usii dhoofinaya.

Laakiin saraakiisha wasaaradda ayaa BBC u sheegay inay iyagu iska dhigeen dad iibsanaya oo ay sidaas kusoo qabteen dadkii hayay Haramcadka dhalka ah ooh adda lagu xanaanaynayo magaalada Garowe.

Haramcadka laga dhoofiyo dhulka Soomaalida iyo halka loo iibgeeyo.

Haramcadka oo ah noolaha ugu orodka dheer duurgoobta ayaa ka mid ah saddex duurjoog oo Maroodigu ka mid yahay ee halista ugu jira inay dunida oo dhan ka ciribtirmaan. Waxaa arrinkan la la xiriirinayaa ka ganacsiga sharcidarrada ah ee duurjoogta oo sanadkii laga sameeyo adduun lacag oo dhan saddex iyo labaatan bilyan oo doolar.

Caadiyahan Haramcadka dhalka ah oo ay ugaarsadaan lixaaba iyo shabeelka, waxaa ka barbaara in ka yar boqolkiiba toban tirada guud haramcadka dhasha. Waxaa taas u wehliya ugaarsiga dadka iyo ka ganacsiga sharcidarada ah, iyo dhulkii uu ku noolaan lahaa oo la deegaameeyay.

Afrika oo ahayd hoyga haramcadka dunida oo dhan waxaa hadda ku dambeeya wax ka yar toddobo kun oo Haramcad ah oo badidood ku nool Namibia oo ah halka ay ku nool yihiin tirada ugu badan ee Haramcad ah.

Dhulka Soomaalida ayaa mar ka mid ahaa meelaha ugu badan ee Haramcadka ku nool yahay, halkaas oo ugaarsiga ugu badan ee sharcidarrada ah lagu ciribtiray Haramcadka, sida ay faafisay hay’adda Maalgelinta Badbaada Haramcadka ee magaceeda loo soo gaabiyo CCF.

Somaliland oo ah halka uu ku noolaa Haramcadka ugu badan dhulka Soomaalida waxay hay’adda oo mar ka shaqeyn jirtay Somaliland sheegtay in ka badan shan boqol oo Haramcad ah si sharci darro ah looga dhoofiyay Somaliland inti u dhexeysay 2010kii iyo 2019kii.

Hay’adda ayaa ku tilmaamtay tiradaas mid walaac weyn leh maadaama ay sheegtay in adduunka oo dhan si sharci darro ah mudadaas loo dhoofiyay afar kun oo Haramcad ah. Waxay Somaliland ku tilmaamtay marinka ugu weyn ee ganacsiga sharcidaradda ah ee Haramcadka.

Waxay hay’adda cilmibaaris iyo tirokoob ay horey u sameysay ku sheegtay in ugu yaraan saddex boqol oo Haramcad dhal ah si sharcidarro ah looga dhoofiyo Somaliland sanad walba.

Waxaa laga sii gudbiyaa xuduuda badda ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland la leedahay Yemen oo dhan 850 kiilomitir. Waxaa loo sii gudbiyaa dalalka kale ee khaliifka Carabta.

Laakiin baddi Haramcadka laga qaado dhulka Soomaalida nolol kuma gaaro dalalka loo wado isaga oo badi ku dhinta inta uu saaran yahay doomaha kusii jeeda Yemen, iyo xita uu la sii wado gawaarida looga qaado Yemen ee dhanka dhulka ka geliya dalalka carabta.

Saddex ka mid ah afartii Haramcad ba, jidka ayay ku dhintaan.

Qiimo intee la eg ayaa lagu iibsadaa Haramcadka Soomaalida, maxaa se lagu sameeyaa?

Halka ugu badan ee loo dhoofiyo Haramcadka Soomaaliya iyo Afrika laga qaado waa dalalka qaniga ah Carabta ee ay ugu horreyaan Sacuudiga, Imaaraatka iyo Qatar.

Tiro ka badan kun Haramcad ah ayay qoysaska ladan ee carabta ah ku heystaan guryaha iyaga oo si sharcidarro ah ku iibsaday, kuna heysta – inkastoo dalalka Sacuudiga iyo Imaaraatka ba ay mabnuuceen ka ganacsiga iyo in guryaha lagu heysto haramcadka, laakiin ahdda xeerkaan si dhab ah looma dhaqangeliyo.

Halkii Haramcad waxaa suuq madow loogu kala iibsadaa lacag dhan shan iyo toban kun oo doolar.

Meelaha ugu badan ee lagu kala iibsada baraha bulshada ee Internetka iyada oo intii u dhexeysay 2012 iyo 2018kii baraha bulshada lagu kala iibsaday 1,367 Haramcad.

Iibsiga badii ayaa ka dhacay bogga Instagram iiyo YouTube, iyado oo ay kala iibsanayaan dad kala jooga 15 dal, laakiin sagaashan boqolkii ba waa dalalka Khaliijka. Waxaa ugu sii badnaa dalka Sacuudi Carabiya.

Xitaa kooxda Soomaalida ah ee laga soo badbaadiyay saddexda Haramcad ee dhalka ayaa iskudayay inay ku iibiyaan bog Soomaali leedahay oo Facebook ka dhex furan, sida ay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ee Puntland.

Saddexda xarun ee iibiya Haramcadka ugu badan waxay ku yaalaan Sacuudiga.

Mid ka mid ah dadka ka ganacsada ayaa u sheegay CNN inay u heli karaan qof kasta oo doonaya Haramcad, ha ahaado lab iyo dhedig midkee la doono.

Ad
Previous articleFaahfaahin dheeraad ah oo laga helay heshiiska difaac ee Soomaaliya iyo Turkiga iyo danta ay Ankara ka leedahay
Next articleKiiska Luul: Waxa ka dhacay gudaha Maxkamada Gobolka Banaadir iyo kiisaska lagu xasuusto qareenka eedeysanaha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here