Home Wararka Somaliya Galmudug Madaxweynaha Dowladda Galmudug oo daah furay Shirwaynaha Guud ee Dib -U-Heshiisiinta Reer...

Madaxweynaha Dowladda Galmudug oo daah furay Shirwaynaha Guud ee Dib -U-Heshiisiinta Reer Galmudug(Sawiro)

0

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa daah furay Shirwaynaha Guud ee Dib -U-Heshiisiinta Reer Galmudug, kaas oo maanta ka dhacay magaalada Dhuusamarreeb ee xarunta dowladda Galmudug.

Shirkan madaxweynuhu uu daahfuray ayaa hordhac u’ah goglo dib-u-heshiisiineed oo la dhigayo degmooyinka Galinsoor iyo Balanbal kuwaas oo lagu heshiisiinayo beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamay deegaanada Galmudug.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay in ay heshiis dhab ah qaataan beelaha dirirtu dhaxmartay, isagoona xusay in argagixisadu ay ka faa’iideesanayso dagaal beeleedyada si ay u dhexmarsadaan danahooda gurracan, sidaas darteedna ay heshiiyaan beelaha, una heshiiyaan argagixisada sida haatanba degmooyinka qaar ee Galmudug ay uga socdaan dadaalada xoogan ee kadhanka ah argagixisada.

Dhanka kale, madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa faray Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug, in si degdeg ah ay u dhigaan gogosha degmooyinka Balanbal iyo Galinsoor si loo sii anba qaado ka shaqeynta nabadda

Ad
Previous articleCiidamadii ku wajahnaa Ceelbuur oo Minooyin badan Qarxiyay(Sawiro)
Next articleCali Dheere oo war layaab leh kaso saaray kacdoonka shacabka ee ka dhanka ah Al-Shabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here