Home Wararka Maanta Dekada Muqdisho oo Markale Lagu Qabtay Alaab Halis ku Ah Caafmaadka Dadka...

Dekada Muqdisho oo Markale Lagu Qabtay Alaab Halis ku Ah Caafmaadka Dadka Soomaaliyeed

0

Dekedda wayn ee magaalada Muqdisho ayaa mar kale lagu qabtay kunteenar uu jiray maandooriye halis ku ah dhalinyarada Soomaaliyeed, kaas oo la doonayay in la geeyay suuqyada dalka, si loo sii iib geeyo.

Maandooriyahan oo la qabtay 23-kii bishan ayaa maanta Hay’adda Taya-dhowrka Soomaaliyeed waxa ay kusoo bandhigtay dekedda wayn ee Xamar, kadib markii uu soo galay galay ganacteeda.

Sarkaal u hadlay maamulka hay’adda ayaa xaqiijiyay inay la wareegaan maandooriyahan oo uu noociisu yahay Taabuu, kaas oo halis ku ah caafimaadka qofka.

“Warqad kasoo baxday xafiiska maareeyaha Hay’adda Taya-dhowrka Soomaaliyeed ujeedadnuna ay tahay wareejin maandooriye, ayada oo laga duulayo sharciga lambar 27 ee jaangoynta iyo tayo dhowrka Soomaaliyeed qodobkiisa 4-aad, farqaddiisa 2-aad iyo qodobka 9-aad, farqaddiisa 1-aad ee xeer nidaamiyaha baaritaanka iyo xaqiijinta badeecadaha” ayuu yiri sarkaalka u hadlay Hay’adda Tayo Dhowrka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Haddaba Hay’adda Tayoa-dhowrka Soomaaliyeed 23-kii bishan, 2024-ka dekedda Muqdisho ku qabatay maandooriye noociisu yahay Taabuu oo qatar ku ah caafimaadka qofka” .

Hay’adda waxa ay sheegtay in haatan maandooriyaha lagu wareejiyay ciidanka Booliska Soomaaliyeed, isla markaana uu mari doono sharciga.

“Maandooriyaha waxaa lagu wareejiyay saldhigga booliska ee dekedda Xamar, gacanta booliska ayuu ku jiraa sharciga ayuuna mari doonaa” ayaa lagu soo gabagabeeyay.

Hay’adda Taya-dhowrka Soomaaliyeed ayaa horay uga digtay in dalka lasoo geliyo badeeco halis ah, waxayna si gaar ah digniintaas ugu dirtay guud ahaan ganacsatada Soomaaliyeed.

Todobaadkii hore ayaa sidan oo kale dekedda Muqdisho loogu qabtay  7 konteenar oo siday bur dhacay, sida ay sheegtay hay’adda Taya-dhowrka dalka.

Hay’adda ayaa shaaca ka qaaday in burkan ay ganacsato Soomaaliyeed kasoo iibsadeen dalka Turkiga, isla markaana ay doonayeen inay soo galiyaan suuqyada, si loo sii iibiyo.

Ad
Previous articleMaxaa lagu Xukumay Burcadbadeedii Laga Qabtay Xeebaha Soomaaliya ee Hindiya lageeyey?
Next articleAskari ka Tirsanaa Ciidanka Khaatumo oo Hargaysa lagu Qabtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here