Home Wararka Maanta Ayuub Cismaan Sheekh oo Horay uga Soo Goostay Alshabaab oo Xukun Adag...

Ayuub Cismaan Sheekh oo Horay uga Soo Goostay Alshabaab oo Xukun Adag Lagu Riday

0

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xukun adag oo xabsi ah ku riday Ayuub Cismaan Sheekh Aadan Isxaaq oo ah 24-jir ah, waxaana ninkan lagu helay dambi ah in uu katirsanaa kooxda Al Shabaab.

Ninkan xukunka lagu riday ayaa horey uga soo goostay Al Shabaab iskuna dhiibay dowladda, waxa uuna in muddo ah ku jiray xarun dhaqan celin ah, iyadoona markii uu dhameestay lana fasaxay la sheegay in uu dib ugu laabtay Al Shabaab.

Xeer ilaalinta maxkamadda ayaa sheegtay in Ayuub uu ku soo bartay bamba tuurista tuulada Siigaale ee Janaale, shaqadii ugu horeysay wuxuu bambo F1 ku tuuray ciidan roondo ku jiray Janaale, waxaana gacanta kusoo dhigay ciidanka uu bambada ku tuuray.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo soo gabagabeesay dhageysiga dacwadaha loo heestay Ayuub Cismaan Sheekh, waxa ayna maxkamadda ku xukuntay 15-sanno oo xabsi ciidan ah , waxaana xukunsanaha la siiyay fursad uu racfaan ku qaadan karo.

Ad
Previous articleHaweeney ku raad joogto dhakhaatiirtii caloosheeda uga dhex tagay maqaska
Next articleMaamulka Puntland Oo Digniin Adag Ka Soo Saartay Ansixinta Sharciga Maareynta Kaluumeysiga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here