Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Gabar 13 sano jir ah oo lagu hor kufsaday...

Wararkii ugu Danbeeyey Gabar 13 sano jir ah oo lagu hor kufsaday hooyadeed

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo Axaddii ka dhacday xero barakac oo ku taalla magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, sidoo kalena ah caasimada maamul goboleedka Puntland.

Dhacdadan ayaa timid, kadib markii rag ku labisan dareeska ciidamada ay dhibaato ka gaysteen halkaasi, kadib markii u daadeen aqal ay daganaayeen qoys danyar ah.

Ragga hubeysan ayaa la sheegay inay afduub wadareed u gaysteen gabar yar oo 13 sanno jir ah, taas oo ay ku hor kaxeysteen hooyadeed oo ah qof da’ah.

Hooyada oo la hadashay warbaahinta ayaa ka warbixisay sida ay waxa u dhaceen, waxayna sheegtay in gabadheeda oo hurdeysa xoog looga kaxeysay, kadibna la faraxumeeyay.

“Gabadha yar oo jiifta ayay haraadi ku kiciyeen, laba nin ayay ahaayeen, kuwa kalena bannaanka ayay joogeen,” ayay tiri hooyada dhashay gabadha dhibanaha ah.

Sidoo kale waxay raacisay “Labada nin gabadha meeshaas ayay la tageen waagaa ku baryay ilaah waa iga badbaadiyay may dilin, laakiin dhib waa u gaysteen oo way kufsadeen”.

Dhanka kale waxa ay farriin culus u dirtay hay’adaha ammaanka ee Puntland, ayada oo ka codsatay in loo soo qabto eedeysanayaasheen ka dambeeyay falkaasi kusfsiga ah.

“Waxaan dalbanayaa oo amniga u sheegayaa in waxa saas sameynaayo ama askar ha ahaato ama balaayo kale in nagala qabto” ayay mar kale tiri hooyadu.

Ugu dambeyn waxa ay sheegtay in aysan haysan wax lacag ah oo ay ku daaweyso gabadheeda, welina aysan helin gurmad, si loogu caawiyo dhibka soo gaaray gabadha yar.

Muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa hoos u dhacay amniga guud ee Garoowe, waxaana kusoo badanayay falalka ammaan darrida ah, oo badanaa loo aaneeyo dadka ku lugta leh maandooriyaha oo aad ugusoo badanaya deegaanada maamulka Puntland.

Ad
Previous articleSomaliland oo ka hadashay Cabdinaasir Muuse oo meydkiisa laga helay guri uu ka degganaa Muqdisho
Next articleDowlada Itoobiya Oo Ka Hadashay Wixii lagu Sameeyey Xasan Shiikh Maalmihii uu ku sugnaa Adisababa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here