Home Wararka Maanta Waa maxay Sababta uu isku Casilay agaasimihii Madaxtooyada Soomaaliya?

Waa maxay Sababta uu isku Casilay agaasimihii Madaxtooyada Soomaaliya?

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu is-casilay agaasimihii guud ee madaxtooyada Soomaaliya, Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud, kaas oo xilkan hayay tan iyo 23-kii May ee sanadkii ee 2022-kii.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Mudug24 u xaqiijiya is-casilaadda agaasimaha, kaas oo warqadda ugu gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in is-casilaadiisa ay la xiriirto arrin shakhsi ah, sida ay kasoo xiganay ilo ku dhow dhow Villa Soomaaliya.

Sida aan xogta ku helnay Xuseen Sheeh Maxamuud ayaa isku casilay arimo la xiriira damaciisa siyaasadeed ee xilka madaxtinimada ee maamulka Koonfur Galbeed.

Ninkan ayaa loo badinayo inuu isu soo sharaxo xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed oo dhawaan la qaban doon, walow ay dood xoogan ka taagan yahay xilliga doorashada.

Xuseen Macallin ayaa kamid ah saaxibada aadka ugu dhow madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna xubin firfircoon ka yahay xisbiga UPD ee madaxweynaha.

Sidoo kale wuxuu door weyn ka qaatay ololihii dib u doorasho ee Xasan Sheekh oo ku soo baxay doorashadii 15-kii May ee sanadkii hore, kadib markii uu ka adkaaday Farmaajo.

Kadib Xuseen oo markaas shaq la’aan ah, maadaama uu waayay kursigiisii Senator ayaa waxaa loo magacaabay agaasimaha guud ee madaxtooyada oo uu haatan iska casilay.

Agaasimaha intuu xafiiska joogay wuxuu hormuud u ahaa howlo siyaasadeed oo muhiim u ahaa dawladda, gaar ahaan heshiisyadii taariikhiga ahaa ee Golaha Wadatashiga Qaran.

Si kastaba, Ninkan ayaa haddii u ku dhowaaqo musharraxnimadiisa wuxuu kamid noqon doonaa ragga ugu cad cad ee musharixiinta Koonfur Galbeed, maadaama uu ku dhowyahay madaxweyne Xasan Sheekh, sidoo kalena uu taageero weyn ka heli karo Villa Soomaaliya.

Si kastaba, Ninkan ayaa haddii u ku dhowaaqo musharraxnimadiisa wuxuu kamid noqon doonaa ragga ugu cad cad ee musharixiinta Koonfur Galbeed, maadaama uu ku dhowyahay madaxweyne Xasan Sheekh, sidoo kalena uu taageero weyn ka heli karo Villa Soomaaliya.

Ad
Previous articleRaysulwasaare Imran Khan oo lagu riday xukun adag
Next articleXasan oo guddoomiyay Shirka Amniga Qaranka Xili uu ku Wajahanyahay Dhuusamareeb(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here