Home Wararka Somaliya Somaliland  Wararkii ugu danbeeyey fal afduub ah oo saraakiil ciidan iyo xubno kale...

 Wararkii ugu danbeeyey fal afduub ah oo saraakiil ciidan iyo xubno kale loogu geystay Somaliland

0

Warar dheeraad ah ayaa ayaa kasoo baxaya fal afduub ah oo gelinkii dambe ee Arbcadii saraakiil ciidan iyo xubno kale loogu geystay Somaliland.

Falkan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in ay geysatay dabley hubeysan oo dhowaan jabhad kaga dhawaaqday buurta Gacan-libaax ee gobolka Saaxil, sida aan xogta ku helnay.

Tirada guud ahaan dadka la afduubtay ayaa ah illaa siddeed qof oo laba kamid ah ay yihiin saraakiil ka tirsan ciidamada Somaliland.

Mid kamid ah xildhibaanada degaanka oo lagu magacaabo Xasan Ogaal ayaa ka warbixiyay falkaasi, ka dib wareysi gaar ah oo uu siiyay Telefishinka MMTV, isaga oo sheegay in saraakiisha la afduubtay iyo dadka kale ay goobta u tageen si ay u qiimeeyaan xaaladda, sidoo kalena ugu kuurgalaan dablayda fariisinka ka dhigatay buurta weyn ee Gacan-libaax

“Annaga oo magaaladii joogna, ayaa waxa magaalada soo galay ciidamo dhallinyaro ah, waxay qafaasheen sideed xubnood, goobihii buurta Gacan-libaax ay ku lahaayeen ayay geeyeen” ayuu wareysigan ku yiri xildhibaan Xasan Ogaal.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay sameeyeen dadaal dheeraad ah, isla-markaana ay ka daba tageen ragga afduubka geystay, kadibna ay soo daayeen dhamaan siddeeda qof.

Ad
Previous articleCiidamo katirsan milatariga dalka Niger oo afgambiyay dowladdii dalkaasi ka jirtay
Next articleQarax Culus oo ka Dhacay Duleedka Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here