Home Wararka Somaliya Galmudug Dowlada Soomaaliya oo ka Hadashay odayaashii laga Soo Afduubtay Wisil ee la...

Dowlada Soomaaliya oo ka Hadashay odayaashii laga Soo Afduubtay Wisil ee la sheegay inay Duqayn ku laysay?

0

Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin cusub ka soo saartay howlgal milateri oo shalay ka dhacay deeegaanka Dumaaye ee Gobolka Mudug, halkaas oo lagu burburiyay xaruntii ugu weyneed ee Al-Shabaab ay ku lahaayeen koonfurta Gobolka Mudug.

“Howlgalkaan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ee taageera dowladda iyo xoogagga shacabka ayaa lagu beegsaday xaruntii Khawaarijtu ku lahayd duleedka Dumaaye, halkaas oo ahayd mawlaca ay Khawaarijtu horay uga dhacday culumada deegaanka, una badashay xero ay ku tababaraan maleeshiyaadkooda, kuna diyaariyaan qaraxyada,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Faahfaahintaan cusub eek a soo baxday dowladda waxaa lagu sheegay in xaruntaas ay sidoo kale hoy u ahayd horjoogeyaasha sare ee Al-Shabaab ka joogay degaanka Dumaaye.

“Marka uu dhacayay hawlgalku waxaa goobtaas ku faylsanaa maleeshiyaad gaaraya saddex boqol,  waxaana hadallo marin habaabin ah u jeedinayay horjoogeyaal iyo kuwa diinta sida qaldan u fasira ee ay ugu yeeraan daaciyaal,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda.

Hawlgalka oo u dhacay sidii loo qorsheeyay waxaa lagu sheegay warkaan in lagu dilay 167 xubnood oo Shabaab ah oo ay ku jiraan sadex horjooge, waxaa sidoo kale dhaawacmay 87 kale, kuwaas oo dhaawacyadoodu u badan yihiin kuwa aad u liita, sida lagu sheegay qoraalka

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu burburiyay afar gaari oo ay ku jiraan labo  nooca loo yaqaano BG, kuwaas oo ay saarnaayeen waxyaabaha qarxa , isla markaana sababay in uu sii bato khasaaraha gaaray dagaalamayaashii Khawaarijta ee goobta ku sugnaa.

“Waxaa halkaas ka dhashay dab wayn oo keenay in Khawaarijtii banaanka joogtay ay u gurman waayaan kuwa ku halaagsamay xerada,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalkaan ka soo baxay dowladda ayaa intaas ku sii daray, “Dawladdu waxa ay cambaaraynaysaa in Khawaarijta oo ka aar gudanaya hawlgalkaas ay laayeen dad shacab  ah oo u afduubnaa, kuwaas oo gaaraya shan qof, taas oo muujinaysa falalkooda ka baxsan Diinta Islaamka.”

Ad
Previous articleMaxaa ku kalifay in Madaxweyne Xasan shiikh uu kasoo Guuro Galmudug una soo Guuro Hiiraan Bil Kadib?
Next articleSidee booliska Uganda u fashiliyeen qaraxii lala doonayey Kampala?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here